4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2015
Qaar ka mid ah Xildhibaannadii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha oo Go’aanno soo Saaray


Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Ugu yaraan Konton Xildhibaan oo ka Tirsan Kuwii bishii hore Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay inay wadahadal u bedelayaan Mooshinkooda.

Xildhibaanadan ayaa kulankooda kasoo saaray go’aan ay ku muujinayaan inay ka laabteen Mooshinka, ayna bedelkeeda Diyaar u yihiin in Wadahadal laga galo, sidii xal looga gaari lahaa Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia.

War-saxaafadeed ay xildhibaannadan kulankooda kasoo saareen oo 12-qodob ka koobnaa ayay sheegeen inay qaateen baaqii Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia ee ku wajahnaa in Wadahadal lagu dhameeyo muranka Mooshinka laga keenay Maaxweynaha la xiriira.

Xildhibaan, C/llaahi Maxamed Aadan [Shaacir] oo ka mid ah xildhibaannadan ku kulmay Muqdisho ayaa kulankooda kaddib sheegay inay go’aankoodaan Qaateen kaddib markii ay tixgeliyeen baahida loo qabo dhameystirka dhismaha maamul-goboleedyada dalka, codsiga Guddoomiyaha Baarlamanka iyo weliba kan Beesha Caalamka ee ahaa in wadahadal lagu dhameeyo arrinta Mooshinkan ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, xildhibaan Aamino Cumar oo Warabaahinta la hadaashay ayaa iyana sheegtay in Xildhibaannada Go’ankan qaatay ay intooda badan yihiin kuwii horay Mooshinka uga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo garowsaday xaalada dalku marayo.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu Horreysay oo Xildhibaanno ka tirsan kuwii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya ay shaaciyaan inay go’aansadeen inay Mooshinkooda wadahadal u bedelaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya