4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2015
Iiraan oo sheegay inaysan Mareykanka la Galayn Wadahadal aan ahayn Arinta Hubka Nuclear-ka


Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay Arbacada maanta ah in aysan jirin Wada-xaajoodyo Gaar ah oo ay la yeelanayaan Mareykanka, marka laga Reebo Arrinta Hubka Nuclear-ka, kaasoo ay bishii July ee Sannadkan heshiis hordhac ah laga gaaray.

“Waxaan Ogol nahay oo keliya Wada-xaajoodka ku Saabsan Hubka Nuclear-ka ah ee aan kula jirno Mareykanka, balse kuwo kale ma ogolin xaalado jira awgood,” ayuu Khamenei ku yiri khudbad uu maanta ka jeediyay Magaalada Tehran, isagoo intaas ku daray. “Arrimo kale oo aan ogol nahay inaan Mareykanka kala hadalno ma jiraan.”

Sidoo kale, Khamenei ayaa ku eedeeyay Washington inay Tehran kala hadasho Arrimo ay ka mid yihiin Xuduudaha, kuwaas oo uu Xusay inay yihiin Kuwo ay Dano Siyaasadeed ka leedahay.

“Mareykanka wuxuu raadinayaa sidii uu wadahadallo ula furi lahaa dowladda Iiraan, balse Wadahadalladan Waa kuwo ay ku doonayaan inay nagu soo Dhex-galaan si wixii ay iyagu doonayaan nooga Sameystaan,” ayuu Hadalkiisa ku daray Khamenei.

Isagoo intaa raaciyay. “Shacabka Iiraan way iska eryeen sheydaanka weyn [Mareykanka], waxayna u diideen inuu soo dhexgalo arrimahooda gaarka ah. Marka hadda waa inaynaan u ogolaan inuu si dadban arrimaheenna u soo dhex-galo.”

Hadalka Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Dalka Iiraan uu ku sheegay in Arrimaha Iiraan ay yihiin kuwo iyaga u gaar ah, ayaa kusoo beegamaya xilli xildhibaannada Mareykanka ay billaabeen shalay oo  Talaado ahayd inay ka doodaan Heshiiskii Nuclear-ka ee horay loola gaaray Iiraan.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa Heshiiskaan meel-marintiisa Taageero ku filan uga haysta Aqalka Senate-ka Mareykanka, taasoo ah mid aan lagu hor-istaagi karin heshiiska Nuclear-ka Iiraan.

Balse, inta badan Xildhibaannada Mareyknaka ayaa kasoo horjeestay heshiiskan, iyagoo Cuskanaya sheegashada Israa’iil ee ah inaanay haysan kalsooni ku filan oo looga hortegi karo in Iiraan ay horumariso hubkeeda Nuclear-ka.

Xukuumadda Iiraan ayaa diiday codsiga Israa’iil, iyadoo Khamenei uu mar kale yiri. “Alle Mahaddiis, Waxaa Israa’iil ka jira waa nidaam sahyuuni ah oo 25-sano soo jiray. Sidoo kale, jihaadka lagula jiro sahyuuniyadda ma dhammaanayo illaa nabad buuxda laga helo.”

Ugu dambeyn, Dowladda Iiraan ayaa inta badan diidda inay sameynayso hubka Nuclear-ka ah, iyadoo Khamenei uu isagaba Dhawr jeer ku Cel-celiyay in Siyaasad oo looga Horjeedo dalkiisa ay tahay colaad ka dhan ah Islaamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya