4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2015
Wafdi uu Horkacayo Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka oo Gaaray Gaalkacyo (SAWIRRO)


Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo kusoo dhaweeyey mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maammulka Puntland, ku xigeenkiisa, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan maamulka Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Odayada Dhaqanka, Haween, Dhallinyaro iyo Qaybaha Shacabka Gaalkacyo; kuwaas oo Xubanaha Wafdigu ay mid mid u Gacan Qaadeen.

Soo dhaweyntaan kaddib, Waxaa Wafdiga Baarlamaanka Federaalka Somalia ka socda loo qaaday dhanka xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo halkaasoo kulan soo dhaweyn ah ay kula Qaateen Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsannahay inaan maanta kusoo dhaweyno degmada Gaalkacyo Wafdiga uu horkaayo guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si gaar ah ayay soo dhaweyntaan Sharaf iyo Qiimo weyn ugu leedahay Golaha Wakiillada Puntland,” ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka Puntland, Saciid Xasan Shire.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo isna Dhankiisa la Hadlay Saxaafadda ayaa uga mahadceliyay Guddoonka golaha Baarlamaanka iyo shacabka Puntland sida ballaaran ee ay ugu soo dhaweeyeen Wafdigiisa, isagoo xusay in socdaalkan uu daba socdo safar uu horraantii sannadkan ku yimid Puntland iisla markaana uusan Gaalkacyo horey u imaan.

Ugu dambeyn, Cawad ayaa ka Qayb-galay, isla markaana khudbad ka jeediyay Xaflad uu Madaxweynaha Puntland ku Daah-furayay Sanduuqa Hormarinta Gobolka Mudug, taasoo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya