4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2015
Dowladda Federaalka Somalia oo soo dhaweysay Go’aankii kasoo baxay Dowladda Mareykanka


Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay soo dhaweynayso Go’aankii ay shalay dowladda Mareykanku ku dhawaaqday, kaasoo ahaa inay dib u billowday Howllaheedii Siyaasadeed ee Soomaaliya muddo fog kaddib.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa si Wadajir ah u soo dhaweeyay Go’aankii Xukuumadda Washington ay dib ugu billowday howlaheedii siyaasadeed ee Somalia, taasoo ay sheegtay inay ka mid tahay qorshayaasha lagu xoojinayo Xiriirka Mareykanka kala dhexeeya dalka Somalia.

“Go’aanka kasoo baxay Dowladda Mareykanka waa mid ka dhashay booqashadii uu Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanku ku yimid Muqdisho Bishii May ee lasoo dhaafay, waanan soo dhaweynaynaa,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska RW Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa isna war kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somalia lagu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdoodaba ay soo Dhaweynayaan go’aanka Maryekanka oo ay Qayb ka tahay Xoojinta Xiriirka ka dhexeeya labada Dowladood, dibna loogu furayo safaaraddii Mareykanka ee Muqdisho.

“Waan soo dhaweynaynaa go’aanka Dowladda Mareykanka ee ah inay dib uga billaabayso Somalia Hawlaheedii Siyaasadeed, Taasoo Xoojin karta Xiriirka labada Dal, Waxaan sidoo kaloo soo dhaweynaynaa Qorshaha Madaxweyne Barack Obama uu ku doonayo inuu safiir cusub ugu soo Magacaabo Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedkan.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Washington ayaa sannadkii 2013-kii si rasmi ah u aqoonsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Mareykanka uu dib u billaabay Xiriirka Somalia kala dhexeeyay, kaddib Kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Obama ku dhexmaray Magaalada Washington, gaar ahaan Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya