4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2015
Al-shabaab oo Shaacisay inay Gacanta ku hayso Askar ka tirsan Ciidamada Uganda ee AMISOM


Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegtay inay Maxaabiis ahaan u haysato Askar ka tirsan Ciidamada Uganda ee Qaybta ka ah AMSIOM oo ay sheegeen inay ku qabteen weerarkii Toddobaadkii hore ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada  Hoose.

Warbixin ay Al-shabaab soo dhigtay Web-site-yada Afkooda ku hadla ayay ku sheegtay in Ciidamadaan ay Caafimaad qabaan ayna ku jiraan hadda Xabsi ay Al-shabaab leedahay oo aanay sheegin meel uu ku yaallo.

Qoraalkan oo uu ku saxiixaa Afhayeenka Howlgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayay sidoo kale lagu sheegtay inay dhawaan soo Gudbin doonaan Magacyadooda iyo darajooyinka ciidamadan iyo weliba Faafaahinnada ku Aadan Askartan Maxaabiista ah oo dhameystiran.

Al-shabaab ayaa 10-dii bishan September, 2015-ka weerar khasaare nafeed uu ka dhashay ku qaadday saldhigga AMISOM ee deegaanka Janaale, iyagoo warbixin ay soo saareen isla maalintaas ku xuseen inay ku dileen weerarkaas 60-askari oo ka tisran ciidanka AMISOM, ayna ka qaateen saldhigga Saanad fara badan oo kuwa ciidamada ah.

Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Millateriga dalka Uganda oo lagu magacaabo Cap. Paddy Ankunda ayaa beeniyay in weerarkii Jannaale looga dilay 50-askari, isagoo sheegay in 12-askari oo keliya looga dilay Weerarkaas, loogana dhaawacay 12-askari oo kale.

Dowladda Uganda ayaan Weli ka Hadlin Askar ka Maqan oo Weerarkaas ay uga Qabsatay Al-shabaab iyagoo nool, waxaana maydadka 10-askari oo ka mid ah kuwii ku geeriyooday Weerarkii Jannaale la geeyay Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Ugu dambeyn, Saraakiil Reer Galbeed ah oo Weerarka kaddib la hadlay AFP ayaa iyaguna sheegay in weerarkaas uu ahaa kii ugu xumaa ee AMISOM lagu qaado, marka laga reebo Weerarkii Xerada AMISOM Leego, laguna dilay 50-askari, tiro kale oo 50-Askari ahna la la’yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya