4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2015
XEER-ILAALIYAHA: Wasaaradaha & Hay’adaha akoon kama furan karaan Bangiyada Gaarka loo leeyahay


Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa uga digay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Somalia inay qaadaan lacag aan la marsiin dariiqii sharciga ahaa. Isagoo sidoo kale uga Digay Wasaaradaha Dowladda iyo Hay'adaha kale ee Dowladda inay Akoonno ka furtaan meel aan ahayn Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Dr. Axmed Cali Daahir oo ka Hadlayay Kulan ay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ku dhimaysay lacagaha Shatiyada ay Qaadanayaan Shirkadaha Ganacsiga ayaa intaas ku daray inaan la ogolaan doonin wasiir ama mas’uul dowladeed oo keligiis sameyn kara tariifo.

“Wasiir ama Mas’uul ka tirsan dowladda Somalia keligiis ma samayn karo tariifo, waxaan og-nahay in meelo badan lagu Qaado Lacago, Lacagahaasna aan la marin wadadii sharciga ahayd. Dhammaan Hay’adaha Dowladda waan ku boorrinaynaa in ay Sharciga Waafaqaan, Sida Wasaaradda Ganacsiga ay Samaysay inay Mariyaan Golaha Wasiirada, Haddii aysan taasi dhicinna Waxay Noqonaysaa Fal-dambiyeed,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Sidoo kale, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay jirto waddo loo maro marka la Jaan-goynayo Tariifo ama Canshuur, isagoo yiri. “Jaan-goynta Tariifo kasta waxaa soo saaraya ama soo jeedinaya Wasiirka Wasaaradaas Madaxda ka ah, kadibna golaha wasiirrada ayuu u gudbinayaa, markaasna xeer laga soo saaro ama loo Gudbiyo Baarlamaanka Somalia si uu ansixiyo, labaadi waddo oo keliya ayaana loo mari karaa.”

Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa wuxuu mar kale ku celiyey go’aankii Xukuumadda Somalia ay horay u gaartay ee ahaa in Wasaarad kasta iyo Hey’ad Walba oo Dowladda ka tirsan ay Sanduuq ku yeelato Bangiga Dhexe, halkaasna lagu rido lacagaha ay qabtaan.

“Dakhliga la qaadayo waa inuusan galin jeeb qalad ah, dowladda Somalia waxay leedahay Bangi Dhexe, Hay’ad kasta waa inay Akoon ka Furataa Bangiga Dhexe, Dakhligaasna lagu shubaa Akoonka. Waxayna ku habboon tahay in wasaaradaha aysan iyagu qaban dakhliga oo ay u diraan bangiga, halkaasna lagu Shubo oo loo sameeyo Qaan-sheegad, Waana sida kaliya ee ugu badbaadsan, Hantida dowladana ay ugu badbaadayso, Qofka Muwaadhinka ahna uu ku helayo Damaanad,” ayuu Xeer-ilaaliyuhu ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ka digay Wasaaradaha DFS uga digay inay Akoonno gaar ah ka furtaan Bangiyada iyo Xawaaladaha Gaarka loo leeyahay, isagoo yiri. “Akoonada Gaarka ah ee hay’adaha dowladda Somalia ay ka furanayaan Bangiyada Gaarka loo leeyahay waa la mabnuucay, Ra’iisul Wasaaraha hadda shaqeynaya iyo kii ka horreeyay iyo Golaha Xukuumadaba go’aan ayay kasoo saareen in Hay’ad Dowladeed ay Akoon gaar ah ka furan karin Bangiyada Gaar loo leeyahay, sida Dahab-shiil iyo Salaama. Hay’adaha Dowladda Somalia ama Wasaaradaha waxay Akoon ka furan karaan oo keliya Bangiga Dhexe, waa xeer iyo nidaam jira, Hay’adaha Ajnabiga ah ma Ogola Arrintaan ee meelo laab-laab ah ayay rabaan ee waa inaan taas loo sahlin.”

Ugu dambeyn, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka Hadlay dhibka ay shacabka ku qabaan marka ay adeegyo u doontaan laamaha Dowladda, wuxuuna sheegey in dhaqamada Xun-xun ee dadka xafiisyada jooga ay horseedayso in Shacabku ay Meelo kale oo aan Sharci ahayn u Raad-sadaan Adeegyada ay rabaan.

“Waxaa kaloo iyadana muhiim ah in la ogaado in marka Muwaadiniinta Soomaaliyeed laga Qaado lacag loogu Qabanayo Adeeg ay tahay Waajib inay helaan Adeeggii ay Dalbadeen, isla markaana loo fududeeyo. Laakiin haddii lagu dhibo Adeegga oo bilooyin la iska soo daba-cel-celiyo; Qofku wuxuu ku dhiirranayaa inuusan Wasaaradda soo aadin ee uu meelo kale sida Cabdalla Shideeye ka sameysto wixii uu rabay. Marka Qofka Wasaaraddii lagu dhibo… oo hay’adihii lagu dhibo.. oo wixii uu ku bixiyay lacagta la siin lahaa, maalmaha la iska soo daba-celiyo… oo kii shatiga qorayay uu wax weydiisto… oo kii Shaabadda ku dhufanayay uu wax weydiiyo… oo kii Saxiixaayay uu wax weydiiyo… Waxaa imaanaysa in uu qofku Raadsado Meel Wasaaradda ama Hay’adda u bedesha,” ayuu Dr. Axmed Cali Daahir.

Ugu dambeyn, Hadalka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan dad badan oo ka cabanaya wasaaradaha iyo goobaha kale ee dowladda oo ay uga baahdaan adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin, iyadoo ay dadku sheegayaan in dhibaatooyin badan ay kala kulmaan xarumaha Dowladda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya