3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2015
Dagaallo Khasaare Nafeed Sababay oo Mar kale Maanta ka dhacay Degmada Caabud-waaq


Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Ugu yaraan Afar Ruux oo ka mid ah dhinacyo ku dagaalamay maanta degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud ayaa ku geeriyooday, iyadoo ay ku dhaawacmeen dagaalka toban ruux oo kale.

Dagaalkan ayaa u dhexeeyay ciidammo ka kala tirsan Ahlusunna iyo Galmudug oo isku haya gacan ku haynta degmadaas, iyadoo Dhinacyadan uu dhinac Walba ku eedeynayso kooxda kale inay iyadu weerarka kusoo qaaddady.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa warbaahinta u sheegay in shacabkii degmadaas ku noolaa ay intooda badan ka barakaceen, iyadoo haatan ay xabbadu hakatay, balse ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan.

“Afar qof ayaa dhimatay inta aan arkay, waxaana dhaawacmay 10-qof oo kale, kuwaasoo u badan dhinacyadii hardamayay. Way jiraan in dadka qaarkood ii sheegeen in khasaaruhu intaas ka badan karo,” ayuu yiri Goob-jooge ku sugan Caabud-waaq oo Warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladda Caabud-waaq ay aad u kacsan tahay, ayna xoogag kala duwan soo galayaan degmada, inkatsoo aanay weli ka hadlin dhinacyada dagaalamaya dagaalkan maanta dhexmaray.

Wararka ayaa Waxay Sheegayaan in Ciidamadii Dagaalladu u Dhexeeyeen ay weli ku kala sugan yihiin goobihii ay horay ugu kala sugnaayeen, balse ay jirto cabsi ah in dagaallo kale ay dhexmaraan.

Dagaalkan ayaa daba-socday iska-horimaad shalay ka dhacay degmada Caabud-waaq oo shalay lagu weeraray Wasiirka Ganacsiga Galmudug, Cabdiladiif C/llaahi Warsame oo maalin ka hor tagay degmadaas, dagaalkaasoo ay ku dhinteen laba qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalka maanta ka dhacay Caabud-waaq waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii EEBBE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/9/2015 3:36 PM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Hanad Muse oo ka mid ahaa Wiilal Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay lix oo Bishii Abriil ee Sannadkan lagu xiray magaalada Minneapolis ee Minnesota, loona haysto dambi ah inay doonayeen inay ku biiraan kooxda ISIS/Daacish ee ka Dagaallanta Waddamada Suuriya iyo Ciraaq, ayaa qirtay Dambigii loo haystay.

9/9/2015 1:11 PM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in dowladdiisu ay u baahan tahay inuu Caalamku ka caawiyo dhismaha ciidamadeeda Qaranka si ay ula dagaalanto Al-shabaab.

9/9/2015 1:06 PM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Boqoradda Dalka Britain, Queen Elizabeth ayaa shacab isku soo baxay oo Sacabatumaya ay kusoo dhaweeyeen Scotland, iyadoo maanta noqotay boqoraddii waqtiga ugu dheer xukunta dalka Britain.

9/9/2015 12:10 PM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Wararkii ugu Dambeeyay ee laga helayo Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaalkii ka dhacay maanta ay ku geeriyoodeen 8-qof, ayna ku dhaawacmeen tiro ka badan 10-ruux oo kale, Dagaalkuna uu haatan joogsaday.

9/9/2015 11:41 AM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Ugu yaraan Konton Xildhibaan oo ka Tirsan Kuwii bishii hore Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay inay wadahadal u bedelayaan Mooshinkooda.

9/9/2015 11:23 AM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Xildihbaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa maanta Meel-mariyay Miisaaniyada Dowladda Soomaaliya ee 2015-ka, kaddib markii ay dib u eegis ku sameeyeen Miisaaniyadda Dowladda.

9/9/2015 10:50 AM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay Arbacada maanta ah in aysan jirin Wada-xaajoodyo Gaar ah oo ay la yeelanayaan Mareykanka, marka laga Reebo Arrinta Hubka Nuclear-ka, kaasoo ay bishii July ee Sannadkan heshiis hordhac ah laga gaaray.

9/9/2015 9:48 AM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

9/9/2015 9:26 AM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay soo dhaweynayso Go’aankii ay shalay dowladda Mareykanku ku dhawaaqday, kaasoo ahaa inay dib u billowday Howllaheedii Siyaasadeed ee Soomaaliya muddo fog kaddib.

9/9/2015 9:00 AM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegtay inay Maxaabiis ahaan u haysato Askar ka tirsan Ciidamada Uganda ee Qaybta ka ah AMSIOM oo ay sheegeen inay ku qabteen weerarkii Toddobaadkii hore ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

9/9/2015 8:45 AM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku Toogtay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir Macallin, Xilli uu ku Dhawaa Hoygiisa oo ku yaalla Xaafadda Macmacaanka ee Degmada Dharkeynley.

9/9/2015 8:26 AM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa uga digay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Somalia inay qaadaan lacag aan la marsiin dariiqii sharciga ahaa. Isagoo sidoo kale uga Digay Wasaaradaha Dowladda iyo Hay'adaha kale ee Dowladda inay Akoonno ka furtaan meel aan ahayn Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

9/9/2015 4:33 AM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Mid ka mid ah Diyaaradaha ay leedahay Shirkadda British Airweys nooceeduna ahaa; A Boeing Co. 777-200 ayaa waxaa qabsaday dab kaddib markii uu Qarxay mid ka mid ah matoorrada diyaaradda xilli ay isku diyaarinaysay inay ka duusho garoonka diyaaradaha Magaalada Las Vegas, iyadoo rakaabkii saarnaa si dhaqso ah loo dajiyay.

9/9/2015 3:26 AM EST
Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen Saddex ruux oo watay waxyaabaha Qaraxa, kuwaasoo ku jiray Gudaha Suuqa Ganacsiga ee The Garden City Mall oo ku yaalla Magaalada Nairobi, iyagoo xusay daray in lagu ogaaday Qalabka ay raggan wateen baaritaanno lagu sameeyay.