4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2015
ROOBABKA Dayrta oo ka billowday Deegaanno ka Tirsan Gobolka Sool oo ay Xaalado ka jireen

/images/2014/apr/Roobab_ka_da_ay_Gobolka_Sool_1.JPG
Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Roobab aad loogu Diirsaday ayaa ka Da'ay Qaybo ka mid ah Gobolka Sool, iyadoo Dadka Reer Guuraaga ah ay Xilligaan ku Sugnaayeen Xaalad Adag.

Deegaannada ay Roobabkani ka de'een waxaa ka mid ah Agagaarka degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, Degmada Yagoori iyo Adhi-caddeeye, iyadoo deegaannadaas ay ka uu Roobku ka da’ay ay ahaayeen kuwo baahi weyn looga Qabay.

Sidoo kale, Waxaa jiray Roobab Goosgoos ah oo ka da’ay iyagana Deegaanno kala duwan, kuwaasoo ay ka mid yihiin deegaannada dhanka howdka ka xiga Magaalada Laascaanood; kuwaasoo xilliyadii lasoo dhaafay laga soo sheegayay dhibaatada xagga biyaha ah.

Roobabka Dayrta oo billow ah ayaa Waxay sidoo kale ka da'een Magaalada Buuhoodle iyo Agagaarkeeda oo la sheegay in si aad loogu baahi qabay Roobabka, waxayna ka mid ahayd goobaha ay dhibaatooyinku ka jireen.

Ugu dabmeyn, Roobabka ka da’ay deegaannada ka tirsan Gobolka Sool iyo kuwa ku dhow ayaa lagu Tilmaamay kuwo billow ah; maadaama xilli roobaadka dayrta uu kusoo beegmay iyadoo Maalmahan heer-kulku uu gaaray meel Sare.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Soomaaliya