4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2015
Shirka Wada-tashiga Doorashooyinka 2016-ka oo Maanta si Hordhac ah uga Furmay Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Iyadoo Maanta Muqdisho ay soo Gaareen Hoggaanka Maamul-goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa Gellinkii dambe ee isla Maanta ka Furmay Xarunta Madaxtooyada Somalia shirka Wada-tagshiga Qaran ee Doorashooyinka 2016-ka. iyadoo shirkan uu si Rasmi ah u furay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali, Madaxweynaha Jubbaland Shiikh Axmed Maxamed Islaan [Axmed Madoobe] iyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh ayaa Maanta soo Gaaray Magaalada Muqdisho; iyagoo Dhamaantood shirka ka Furmay Villa Somalia Goobjoog ka ah. Waxaa kaloo Jooga Shirka Madaxweynaha Gal-mudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

“Wixii aan isku raacno ayaan xambaaraynaa, waxaana si aad ah u soo dhaweynayaa fikirka Wanaagsan, Wixii aan ku kala duwanaanno waan xallinaynaa, Qorshahan Soomaalida ayaa iska leh, haddii ay ceeb ka timaado annaga ayaa ka mas’uul ka ah, haddii lagu guuleystana annaga ayaa iska leh. Marka Saaxiibbada Beesha Caalamka waxaan uga baahan-nahay inay nagu Taageeraan Qorshahan aan wadno. Shirka Wadatashiga Qaran wuu noo furan yahay,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri Furitaankii Shirkan Wada-tashiga ah.

Inkastoo Xukuumadda Somalia ay Shaacisay in Shirkan Wada-tashiga ah uu Furmi doono Axadda Berri ah ayaa haddana waxaan la ogeyn sababta maanta uu Shirkan sida Hordhaca ah uga Furmay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud Xarunta Madaxtooyada.

Sidoo kale, Shirka ka Furmay Gellinkii dambe ee Maanta Villa Somalia ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa xubno ka socda Beesha Calaamka iyo Danjirayaasha Calaamka ee Muqdisho ku sugan, Waxaana Shirkan Furitaankiisu uu ahaa mid ay Albaabbadu u Xirnaayeen.

Madaxweynaha Puntland ayaa intii uusan imaan Muqdisho ayuu Magaalada Gaalkacyo ka sheegay inaysan waxba iska bedelin Mowqifkeedii ay ka aaminsanayd Doorasho ka dhacda Soomaaliya 2016-ka, Wakhtigaasoo ah xilliga ay howsha ugu eg-tahay Dowladda xilligaan jirta.

Kulankan ayaa markii lasoo gaba-gabeeyay waxaa shir jaraa'id uu ku faahfaahinayo shirka Qabtay Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo sheegay inay Ujeedada shirkan ahayd inuu bilowday hanaan wada-tashi ah Qaran ah oo looga tashanayo Mustaqbalka Somalia Wixii ka dambeeya Sannadka 2016-ka.

Maareeye ayaa Sheegay in shirka Xoogga lagu saarayo laba Qodobo oo kale ah; In la Dar-dar-geliyo Xoojinta Dowladnimada Somalia sida; Amniga, Dhaqaalaha iyo Dhameystirka habka Federaaliisim-ka iyo sidii Sanadka 2016-ka loogu Gudbi lahaa Nidaam ka ballaaran midka hadda jira.

“Xubnihii Shirka ka Qayb-galay waxay isku af-garteen in Wada-tashiga Qaran laga Qayb-galiyo Bulshada Soomaaliyeed ee ku Sugan Gudaha Dalka iyo Dibaddiisa, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Haweenka, Dhallinyarada, Odoy-dhaqameedyada iyo Warbaahinta si Qorshaha uu u Noqdo mid ay Soomaalidu leedahay, ayna Hoggaaminayaan; Beesha Caalamkuna ay ka noqoto fududeeye,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa Xusay in markii Qorshahan lasoo Af-jaro Qodobbadii kasoo baxa la Hor-geyn doono Golaha Wada-tashiga Qaranka oo la dhisi doono iyo Labada Gole ee Dowladda Federaalka Somalia si ay go'aan kama Dambeysa ah uga gaaraan.

Ugu dambeyn, Bishii lasoo dhaafay ayay xukuumada Somalia shaacisay inaysan dalka ka dhici karin Doorasho Qof iyo Cod ah marka la gaaro Sannadka 2016-ka, iyadoo la xusay in Dowladda Federaalka Somalia & Maamul-goboleedyadu ay ka wadatashan doonaan nooca ay noqonayso Doorashada Sannadka soo socda ka dhacaysa Dalka.

Si kastaba ha ahaatee, shirka ka furmay Villa Somalia oo saacado kaddib lasoo gunaanaday ayaa waxaa lagu wadaa in berri oo Axad ah uu si toos ah u billowdo, iyadoo gunaanadka la filayo in laga soo saaro ajanda Wadajir ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya