4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2015
Tirada Ciidanka AMISOM ee lagu dilay Somalia Tan iyo Sannadkii 2009-kii oo Lasoo Bandhigay

/images/gallery/2015324635627663317445590AUTroops.jpg
Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’ad Fadhigeedu yahay Sweden oo lagu magacaabo, International Peace Research Institute (Sipri) ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM looga dilay Gudaha Soomaaliya Tan iyo Sannadkii 2009-kii Ciidammo Gaaraysa 1,100 Askari.

Paul Williams oo ah bare Wax-ka-dhiga Jaamacadda George Washington ayaa ku sheegay Daraasadda ay soo Bandhigtay Hay’adda Sipri in ay Muujinayso Qiyaas aad u Hoosaysa, isagoo Xusay in Daraasadda lagu sheegay 69–Askari oo ka mid ah Ciidamadan laga dilay AMISOM ay dhinteen sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-kii oo keliya, markaasoo Dagaallo ay ka socdeen Soomalia.

Ururka Midowga Afrika ayaa Sheegay in Qiyaasta lasoo Bandhigay ay ku jiraan Askar u dhintay Xanuunno iyo Shilal. Inkastoo Hay’adda Swedish-ka ah ay sheegtay in 384-askari oo ka mid ah Ciidamadan ay dhinteen 2012-kii, Halka sannadkii ka horreeyay ee 2011-kii ay dhinteen 94-askari oo keliya.

Sidoo kale, Prof. Williams ayaa sheegay in Tirada Dhimashada Ciidamada AMISOM ee la soo bandhigay aysan ku jirin ciidamadii Kenya ee lagu dilay Howlgalladii ay ka fulinayeen Qaybo ka mid ah Soomaaliya intii u dhexeysay 2011-kii iyo 2012-kii.

Macluumaadkaan ayaan Waxaan Sidoo kale Waxaan ku jirin Ciidamadii Itoobiya ee lagu Dilay Soomaaliya intii u Dhexeysay Sannadkii 2011-kii iyo Horraantii Sannadkii 2014-kii, markaasoo aysan ka mid ahayn howlgalka AMISOM.

Hay’adda Sipri ayaan Waxay kaloo soo Bandhigin Askartiii AMISOM looga dilay Hawl-galladii ay Somalia ka wadeen labadii sano ee ugu horreysay, xilligaasoo ay ka billowdeen Soomaaliya Dagaallo u dhexeeya AMISOM iyo Xoogaggii Al-shabaab oo ka talinayay inta badan Magaalada Muqdisho.

Ciidamadii ugu horreeyay ee AMISOM ah ayaa la geeyay Soomaaliya Sannadkii 2007-dii kuwaasoo tiradoodu ahayd 1,600 oo Askari oo ka socda Waddanka Uganda, laakiin hadda Tirada Ciidamada AMISOM ayaa waxay gaarayaan in ka badan 22,000 oo Askari oo ay ku jiraan ciidammo booliis ah.

Prof. Williams ayaa sheegay in Wadahadal dhexmaray isaga iyo Saraakiisha AMISOM uu kasoo ururiyay Macluumaad Madax-bannaan oo sheegaya in Somalia lagu dilay 110-askari oo Uganda u dhashay iyo 95 Askari oo u dhashay Dalka Burundi intii u Dhexeysay Maarso 2007-dii illaa Feberaayo 2011-kii.

Warbixinno kale ayaa iyaguna lagu xusay inay hayaan Maclmuumaad sheegaya in Askarta kaga dhimatay AMISOM gudaha Soomaaliya intii u dhexeysay bishii August 2009-kii illaa September 2012-kii ay Gaarayaan 439-Askari, iyadoo Ilahaan ay Wararkooda ku xuseen in tirada dhimashada AMISOM ay saddex jeer ka badan tahay tirada ay soo bandhigtay Sipri oo ah 1,100 Askari.

Ugu dambeyn, Ku-xigeenka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson ayaa Sanadkii 2013-kii sheegay in tirada Ciidamada AMISOM kaga dhintay Soomaaliya tan iyo markii ay Hawlgallada ka billaabeen ay gaarayaan 3,000 oo Askari, inkastoo uu sheegay in QM aysan u hayn Qiyaastan Caddeymo sax ah.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka, Uganda, Kenya, Jabuuti, Burundi iyo Itoobiya  ayaa waxay dagaallo kula jireen sannadihii u dambeeyay Xoogagga Al-shabaab, iyagoo ka Qabsaday Magaalooyin badan oo Qaarkood Muhiim u ahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya