4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2015
KENYA: Waxaa laga hortagay Weerarro ay Al-shabaab ka Fulin lahayd Gudaha Dalka Kenya


Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Laamaha Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay inay ka Hor-tageen shan Weerar oo ay Al-shabaab Doonaysay inay ka fuliyso gudaha Kenya tan iyo markii uu dhacay Weerarkii Westagate Mall Bishii Sep, 2013-kii, kaasoo lagu dilay 67-qof.

Saraakiisha Amniga Kenya ayaa sheegay in weerarrada ay ka Hor-tageen uu ka mid yahay weerar ay Al-shabaab doonaysay inay 14-kii bishan ka geysato Suuq Ganacsi oo ku yaalla Magaalada Nairobi, iyagoo sheegay inay qabteen dhamaan xubnihii fulin lahaa Weerarkan.

Waxay saraakiisha Kenya intaas ku dareen in 11-kii Abriil ee isla sannadkan ay xireen laba qof oo watay Bastoolado iyo Walxaha Qarxa kuwaasoo doonayay inay Weerararaan Hoteel ku yaalla Deegaanka Diani oo ka tirsan Gobolka Kwale.

“Ciidamada Amniga Kenya waxay ka Hortageen Weerarro Al-shabaab ay Doonaysay inay ka fuliyaan gudaha Kenya, waxaana qaar ka mid Hawl-galladaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay Ajaanibi ku jireen,” ayaa lagu sheegay warbixin ay soo saareen Laamaha Amniga Kenya.

Dhanka kale, Saraakiisha Amniga Kenya ayaa xusay in mid ka mid ah dhowrka weerar ee ay ka Hortageen ay ku dileen Dagaalyahan u dhashay Britain oo ka Bar-bar Dagaallamaya Al-shabaab, kuwaas oo Weerar Gaadmo ah oo Saldhig ku yaalla Lamu lagu Qaaday, ayna sidoo kale dileen 15 ka mid ah xoogagga Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Warbixintan kasoo baxday Laamaha Ammaanka Kenya ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli Xukuumadda dalkaas ay shaacisay dhawaan inay Qaaday Howl-gallo ay Al-shabaab kaga saarayso dhulka kaynta badan ee Boni-Kenya.

Inkastoo Laamaha Amniga Kenya ay sheegeen inay Weerarro ay dalkaas ka geysan lahayd Al-shabaab ay ka Hor-tageen, ayaa Haddana waxay Al-shabaab Bishii Abriil ee Sannadkan ka fulisay Weerar khasaare badan geystay Jaamacadda Gaarisa, Halkaasoo ay ku Dileen in ka badan 148-qof oo intooda badan ahaa ardaydii wax-ka-baranayay Jaamacaddaas.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxay weerarro is-daba-joog ah ka geysanaysay gudaha Kenya, kuwaasoo ay ku dishay boqolaal qof oo isugu jiray ciidammo iyo shacab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya