4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2015
Madaxweynaha Puntland & Wafdi uu Horkacayo oo kusoo Wajahan Xarunta Somalia (SAWIRRO)


Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa kusoo Wajahan Muqdisho Maanta oo Sabti ah, isagoo ka mid ah Madaxda Maamullada dalka ee ka Qayb-galaya Shir looga hadlayo sida ay noqon doonto doorashada dalka ka dhacaysa Sannadka 2016-ka ee nagu soo Aaddan.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Gaas ayaa Waxaa ka mid ah Wasiirrada, Deegaanka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku Xigeennada Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Wasiir-u-Dowlaha  Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobollada Puntland iyo kuwo kale.

C/weli Gaas oo Warbaahinta la hadlay markii uu kasoo dhoofay Gaalkacyo ayaa Xusay in ujeedka socdaalkiisu yahay ka Qayb-galka shirka Wadatashiga ah eek a furmaya Muqdisho maalinta berri ah.

“Waxaan u dhoofaynaa Xamar oo aanu kaga Qayb-galayno Shirka Wada-tashiga Somalia, waxaan kaloo doonaynaa inaan sheego shirka ka Qayb-galkiisa micnihiisu ma ahan inay ka tanaasulin Puntland Mowqifkii ay Rumeysnayn; Mowqifkeenna Waxaan ka sheegi doonaa Madasha,” ayuu yiri C/weli Gaas.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Dabcan Waxaan Shacabka Puntland u Cuntamin Shirka kasoo qaadi mayno Qorshahayagu waxa weeyaan in mowqifka Puntland cad yahay Soomaalina u cad yahay, Beesha caalamkana u Cad yahay.”

Madasha Wada-tashiga Doorashada 2016-ka ayaa Berri oo Axad ah ka furmaya Muqsisho; waxaana kasoo Qayb-galaya Madaxda Maamul-goboleedyada dalka ka jira iyo Madaxda Qaranka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in shirka ay kasoo qayb-galaan Madaxweynaha Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya