4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2015
Isbahaysiga uu Horkacayo Sucuudiga oo Duqeyn ay ka Geysteen Magaalada Sanca ku Dilay 29 Qof


Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Diyaaradaha dagaalka ee Waddamada Isbahaysiga ah uu Hoggaaminayo Sucuudiga ayaa duqeyn ay ka geysteen xalay Magaalada Sanca ee dalka Yemen ku dilay 29-qof oo ay ku jireen dad rayid ah, sida laga soo xigtay ilo Amaanka iyo caafimaadka ah oo ku sugan Sanca.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Diyaaradahu ay Duqeeyeen Guryo ku yaalla Bartamaha Magaalada Sanca, iyadoo mid ka mid ha Dhismayaasha ay Duqeynta la beegsadeen ay ku dhinteen 10-qof oo hal qoys kasoo jeeday.

Sidoo kale, Xoogagga Xuutiyiinta ah ee gacanta ku haya Sanca ayaa waxaa la sheegay inay ka geeriyoodeen ugu yaraan 19-dagaalyahan, iyadoo wararku ay sheegayaan in Duqeyntan lagu burburiyay Afar guri, sidoo kalena ay ay 15-guri oo kale ay Waxyaallo kasoo Gaartay duqeynta.

“Xubnaha Halka Qoyska kasoo jeeda ee Duqeyntan lagu Dilay ayaa Deggenaa Xaafadda Al-Falihi oo ka tirsan Sanca,” ayuu yiri Goob-jooge ku sugan Sanca oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta.

Duqeyntan oo xalay dhacday ayaa lagu sheegay inay ahayd tii ugu xumayd oo ka dhacda Magaalada Sanca oo ay Gacanta ku hayaan Xoogagga Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Xukuumadda uu Caalamku Taageerayo ee Yemen.

Tan iyo Sannadkii hore ayaa waxaa Dalka Yemen ka socday iska-horimaadyo u dhexeeya Kooxaha Mucaaradka ah ee Xuutiyiinta iyo Ciidammo Taabacsan Dowladda Cabdul-rabbi Haaddi Mansuur oo Haatan Dibad-joog ah.

 

Sucuudiga ayaa Sheegay in Duqeymihii Cuslaa ee Xalay ay la Beegsadeen Xarumo ay ku sugnaayeen xoogagga Xuutiyiinta; inkastoo aysan sheegin tirada ay kaga dileen duqeynta, sidoo kalena kama aysan hadlin shacabka ku dhintay duqeynta ay Sanca ka geysteen.

Ugu dambeyn, magaalada Sanca ee Xarunta Yemen oo gacanta ugu jirta kooxda Xuutiga ah ayaa waxaa kusoo siqaya ciidamada taageersan Haaddi oo Gacan ka helaya ciidammo ka socda dalalka Khaliijka Carabta oo ku sugan Yemen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya