3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2015
WASIIR FARGEETI: Si Canshuuraha loo Xoojiyo Waxaan isku keenaynaa Dowladda & Maamulada


Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Somalia Maxamed Aaden Ibraahim [Farkeeti] oo shalay ka Qayb-galay kulanka Jimcaha ee Raadiyaha Afka Dowladda Somalia ku hadla ayaa si faahfaahsan uga hadlay dib u eegista  Miisaaniyadda Sannadkan 2015-ka, canshuuraha, Qaabka dakhligu u soo xaroodo, dhibaatooyinka haysta badeecooyinka ka taga Muqdisho, Mushaarka Ciidanka iyo Qorshaha ku aadan isku xirka canshuuraha dalka.

Wasiirka oo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisu ay su’aalaha si toos uga soo weydiinayeen khadadka telefoonada, Facebook iyo Twitte-kar, ayaa si faafaahsan bulshaweynta Soomaaliyeed ugu  waramay caqabadaha dhaqaale ee dalka ka jira iyo in maanta muhiimad gaar ah u leedahay in umadda Soomaaliyeed la fahanysiiyo fa’iidada ay canshuurtu u leedahay horumarka dalka.

“Waxaan dhibaatada dhaqaale sabab u ah qoondadii aan ka sugaynay deeq bixiyayaasha oo aan si wanaagsan u soo xaroonin, taasina waxay sababtay inaan dib u eegis ku samayno misaaniyadda 2015, waxaana ka dhinay 40 milyan oo Dollar. Meelaha aan dhimtaanka ku samaynay waxaa ka mid ah mushaaraadka ciidamada oo makrii hore qaarkood heli jireen laba mushaar, waxaana hada ku soo koobnay inay isku xuquuq noqdaan, waxaana dhawaan bilaabayna inaan siino mushaardkooda, hada kadibna bilkasta waxaan bixinaynaa laba bilood mushaarkood si sanadkaan dhamaadkiisa aan u bixino dhamaan mushaaraadka ciidamada oo noo leh mudnaanta koowaad, waxaa sidoo kale aan dhinay kharashaadkii dowladda, waxaana noo qorshaysan in misaaniyadda sanadka 2016 oo aan hada bilownay wada tashigeedu iney noqoto mid ku tiirsan dakhliga dowalada, anagoona balaarinaynaa wada tashiga ku aadan diyaarinteeda” ayuu yiri wasiir Farkeeti

Wasiirka ayaa sidoo kale aad uga hadlay canshuuraha is bar bar yaaca ah ee laga qaado shacabka, kuwaas oo qaarkood loo aaneeyey Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna Wasiirku sheegay in Wasaaraddu ay ogtahay oo kaliya canshuurta lagu qaado boonada Xafiiska Xisaabiyaha Guud, wixii intaas ka soo harana aysan wasaaradu wax shaqo ah ku lahayn.

“Cabashooyin badan ayaa ka taagan canshuuraha, wayahaan danabana aad ayeey u bateen dadka qaabka khaldan u qaada canshuuraha, ilaa iyo hada waxaan ogahay canshuurta uu qaado gobolka iyo mida wasaaradu qaado, waxaana degmo kasta ku yaala xafiis ay leedahay wasaaradda maaliyaddu, qof kasta oo si khaldan canshuur looga qaado waa inuu la xariiro xafiiskaas si loo hubiyo canshuurta laga qaaday iney sax tahay iyo in kale”

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in waasaradu ay wado qorshe ay isugu keenayso Maamul Goboleedyada dalka si loo mideeyo canshuuraha dalka, taas oo looga gol leeyahay in canshuuraha hada laga qaado ilaha dhaqaalaha in loo badalo hab Tariifo ku salaysan.

“Canshuurta laga qaadayo ilaha dhaqaalaha dalka, marka hore waa in laga heshiiyo siyaasadda, lagana wada qayb qaato sugida amniga, maamul goboleedyada dalka ka jira waxay gacmaha kula jiraan shaqooyin badan oo dowladda federaalka ah leedahay, si arrimahaas loo saxana waa in si guud loo dhaqan galiyaa nidaamka federaalka ah, lana qeexaaa awoodaha ay kala leeyihiin maamul goboleedyada iyo dowaladda dhexe. Dhanka kale baaritaan aan samaynay ayaan ku ogaanay in badeecooyinka ka soo daga dekedda Muqdisho ay qabaan dhibaatoyin gooni ah iyo culaysyo dhanka canshuuraha marka badeecooyinkaas loo raro gobolada iyo dalalka dariska ah waxaa dhacada in Isbaaroyin tiro badan looga qaado canshuur siyaado ah” ayuu yiri Wasiir Farkeeti.

Ugu danabyn, Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay sanadkii hore ay bilowday qaadida canshuuraha barriga. “bur burka dalka soo gaaray awgiis dadku waaba iloobeen in canshuur layska rabo, si doorkaas loo soo celiyo waxaan sanad ka hor bilownay qaadista canshuuraha barriga, ujeedka laga leeyahayna waa in marka ugu horaysa la fahamsiiyo shacabka in ay canshuur ku waajibtay, si loogu qabto adeegyada asaasiga u ah bulshada, waxaana ilaa hada ay canshuurahaas ku socdaan hab ku dhisan xaal mastuur, madaama looga gol leeyahay in dadka la baro nidaamka canshuuraha oo ay maanta ka fahansan yihiin oo kaliya in marka ay wax soo degsadaan laga rabo canshuur”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/19/2015 12:35 PM EST
Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Roobab aad loogu Diirsaday ayaa ka Da'ay Qaybo ka mid ah Gobolka Sool, iyadoo Dadka Reer Guuraaga ah ay Xilligaan ku Sugnaayeen Xaalad Adag.

9/19/2015 10:11 AM EST
Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Iyadoo Maanta Muqdisho ay soo Gaareen Hoggaanka Maamul-goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa Gellinkii dambe ee isla Maanta ka Furmay Xarunta Madaxtooyada Somalia shirka Wada-tagshiga Qaran ee Doorashooyinka 2016-ka. iyadoo shirkan uu si Rasmi ah u furay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

9/19/2015 9:36 AM EST
Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’ad Fadhigeedu yahay Sweden oo lagu magacaabo, International Peace Research Institute (Sipri) ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM looga dilay Gudaha Soomaaliya Tan iyo Sannadkii 2009-kii Ciidammo Gaaraysa 1,100 Askari.

9/19/2015 8:44 AM EST
Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Laamaha Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay inay ka Hor-tageen shan Weerar oo ay Al-shabaab Doonaysay inay ka fuliyso gudaha Kenya tan iyo markii uu dhacay Weerarkii Westagate Mall Bishii Sep, 2013-kii, kaasoo lagu dilay 67-qof.

9/19/2015 7:29 AM EST
Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa kusoo Wajahan Muqdisho Maanta oo Sabti ah, isagoo ka mid ah Madaxda Maamullada dalka ee ka Qayb-galaya Shir looga hadlayo sida ay noqon doonto doorashada dalka ka dhacaysa Sannadka 2016-ka ee nagu soo Aaddan.

9/19/2015 7:10 AM EST
Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Diyaaradaha dagaalka ee Waddamada Isbahaysiga ah uu Hoggaaminayo Sucuudiga ayaa duqeyn ay ka geysteen xalay Magaalada Sanca ee dalka Yemen ku dilay 29-qof oo ay ku jireen dad rayid ah, sida laga soo xigtay ilo Amaanka iyo caafimaadka ah oo ku sugan Sanca.

9/19/2015 6:34 AM EST
Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Somalia, C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali [Caynte] ayaa Shaaciyay maanta inay wadaan Qorshayaal lagu Horumarinayo dhaqaalaha dalka, maadaama dalka uusan 25-kii sano ee lasoo dhaafay lahayn Qorshe dhaqaale oo dagsan.

9/19/2015 3:49 AM EST
Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Hay’ada Qaramada Midoobay u Qaabilsan Carruurta ee UNICEF ayaa shaacisay in Boqolaal Carrruur Soomaaliyeed ah laga badbaadiyay inay ku biiraan ciidamada kaddib markii la siiyay Tababarro dhanka farsamooyinka ah, taasoo uu gacan ka geysatay Ururka Midowga Afrika.

9/19/2015 3:17 AM EST
Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Garabka Dhallinyarada ee xisbiga DALJIR oo ka mid ah Asxaabta siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa doortay Hoggaan cusub, iyadoo guddoomiye loo doortay Nuur Shariif Inji oo ay la tartameen xubno kale oo dhallinyarada Xisbiga Daljir ka mid ah.