4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2015
Hay'ada UNICEF oo sheegtay in Boqolaal Caruur Soomaaliyeed ah la siiyay Tababarro kala Duwan


Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Hay’ada Qaramada Midoobay u Qaabilsan Carruurta ee UNICEF ayaa shaacisay in Boqolaal Carrruur Soomaaliyeed ah laga badbaadiyay inay ku biiraan ciidamada kaddib markii la siiyay Tababarro dhanka farsamooyinka ah, taasoo uu gacan ka geysatay Ururka Midowga Afrika.

Mashruuc Socday Muddo 15 bilood ah oo la billaabay bishii Juun, 2014 - ayaa Carruur iyo dhallinyaro gaaraysa 401-ruux Waxaa ay ka faa’iideysteen Tababaro kala duwan; waxaana ku baxday lacag dhan Hal Malyan o Doollar; Taasoo Midowga Yurub uu bixiyay.

Dhallinyaradan oo Rubuc ka mid ah ay ahaayeen Gabdho ayaa la siiyay tababaro ay ka mid yihiin; korontada, maamulka xafiisyada, farsamada gaadiidka jyo kuwo kale. Sidoo kale tiro ka mid ah dhalinyaradaas ka mid ah ayaa la geeyay iskuullada; iyagoo ku biirey fasallo kala duwan.

Sidoo kale, warbixinta ay aa lagu xusay in Gabdhaha iyo Wiilasha tababarrada la siiyay ay ahaayeen Cunno-kariyeyaal, Xamaali iyo kuwo Shaqooyin kale oo ay u Hayeen Kooxaha hubeysan.

“Carruurta ka mid ah kooxaha Dagaallamaya ha noqdaan kuwo Soomaaliya iyo caalamka oo idil waa qaar aan la Aqbali karin,” ayuu yiri Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone D'Urso.

Dhanka kale, ugu yaraan 5-kun oo dhalinyaro iyo caruur isugu jira ayaa ka mid ah kooxaha hubeysan ee ka jira Somalia oo ay colaado sokeeye ka socdeen in ka badan 25-sanadood oo xiriir ah.

Ugu dambeyn, Warbixintan ay soo saartay Hay'adda UNICEF ayaan lagu sheegin meelaha boqolaalkan Caruurta ah lagu tababaray iyo goobaha ay hadda ka shaqeeyaan, iyadoo sidoo kalena aan la xusin in howshan lasii wadi doono ioy iyo in kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya