4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2015
Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga DALJIR oo Muqdisho ku Doortay Guddoomiye Cusub (SAWIRRO)


Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Garabka Dhallinyarada ee xisbiga DALJIR oo ka mid ah Asxaabta siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa doortay Hoggaan cusub, iyadoo guddoomiye loo doortay Nuur Shariif Inji oo ay la tartameen xubno kale oo dhallinyarada Xisbiga Daljir ka mid ah.

Doorashadan oo dhacday Maalintii Khamiista ahayd ayaa Jimcihii shalay loo qabtay xaflad lagu soo bandhigayay qaabkii ay doorashadan u dhacday, iyadoo ay ka Qayb-galeen xubno kala duwan oo ka socday xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Xubnaha ka socday xisbiyada siyaasadeed ayaa waxaa ka mid ahaa; C/qaadir Barnaamij oo ah Guddoomiyaha Xisbiga KULAN, C/raxmaan Baadiyoow oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran iyo Mas’uuliyiinta Xisbiyada kale ee ka jira dalka.

Munaasabadan oo lagu qabtay Hotel Shaamow ee Muqdisho ayaa Waxaa ka jeediyay hadal dhinacyo badan Taabanayay Xogayaha Guud ee Xisibga Daljir, Axamed Macallin Fiqi oo ka sheegay goobta in Doorashadan ay ahayd mid u dhacday si hufan oo Xalaal ah.

Fiqi ayaa ugu baaqay Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga Daljir inay xoojiyaan howlahooda Siyaasadeed, isagoo Dhallinyarada ugu baaqay inay Kaalin Weyn ka Qaataan Horumarrada Dalkooda iyo sidii dalka loogu Hoggaamin lahaa Siyaasad Dheelli-tiran.

Dhanka kale, Xubnihii ka socday Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa waxay ka sheegeen Munaasabada inay soo dhaweynayaan Garabka dhallinyarada ee Xisbiga DALJIR ayna soo dhaweynayaan doorashada ay ku doorteen mas’uulkii hoggaanka u qaban lahaa.

Ugu dambeyn, Dhamaan xubnihii ka hadlay Xafladda ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin in Dhallinyaradu ay Qayb weyn ka Qaataan Siyaasadda Soomaaliya iyo Xisbiyada Siyaasadeed, iyagoo Xusay in Dhallinyaradu ay yihiin Hoggaanka Berri; Maantana looga baahan yahay inay kaalin ka qaataan Isbedellada dalka ka socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya