4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2015
Maydka Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Uganda oo Maanta KAMPALA laga Dajiyay (SAWIRRO)


Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Maydka Wasiirkii Arrimaah Gudaha dalka Uganda, Jen. Aronda Nyakairima ayaa Maanta laga dajiyay Magaalada Kampala ee Xarunta Dalka , halkaasoo uu Horraantii bishan August ka Ambabaxay isagoo ku socday Magaalada Seoul ee Xarunta dalka Koonfurta Kuuriya.

Naxashka lagu siday Maydka ayaa waxaa lagu soo daray Xamuulka diyaaradda, iyadoo ay muddo saacad ku dhow sugayeen saraakiisha ciidamada Uganda iyo ehelladiisa in laga soo dajiyo naxashka diyaaradda, waxaana ka horreeyay boorsooyin aad u tiro badan.

Jen. Aronda Nyakairima ayaa Maalintii Sabtida ee aynu kasoo Gudbunay si lama Filaan ah ugu Geeriyooday diyaarad uu kasoo raacay dalka Koonfurta Kuuriya, isagoo xilligaasoo uu kusoo wajahnaa Magaalada Kamapla ee xarunta dalka Uganda.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Kampala ee Entebbe ayaa waxaa joogay xilliga maydka la keenayay, Wasiirro, Saraakiisha Ciidamada Dalka Uganda iyo weliba ehellada wasiirka geeriyooday oo ay ku jirtay Xaaskiisii.

Taliyihii ku Xieenkii hore ee Millateriga dalka Uganda, Jen. Ivan Koreta ayaa markii la soo dajiyay naxashka Maydka sheegay in Jen. Aronda uu ahaa nin muhiim u ahaa xukuumadda Uganda, isla markaana uu ka mid ahaa Jeneraalladii ugu geesisanaa ee soo  maray Uganda.

Haweeneydii u dhaxday Jen. Aronda oo lagu magacaabo Lindah ayaa waxay ka mid ahayd dadkii kusoo Dhaweeyay Maydka Garoonka Kampala, iyadoo hadallo kooban oo ay tiri ku sheegtay inaysan mar dambe arki doonin Gacaliyaheedii, iyadoo macsalaameysay maydka saygeedii geeriyooday.

Maydka ayaa waxaa Kampala geysay diyaaradaha waaweyn ee Emirates, iyadoo naxashka maydka uu ku daboolnaa Calanka Dalka Uganda oo Dusha laga Saaray Sawirkiisa, isagoo xiran Dharka Ciidamada Millateriga Uganda.

Dhanka kale, Jen. Aronda Nyakairima oo Dhashay bishii July ee Sannadkii 1959-kii ayaa lagu wadaa in Maalinta Axadda ah ee soo socota lagu aaso Maydkiisa Saldhig Ciidamada Millateriga Uganda ay ku leeyihiin Dulleedka Kampala, Sida ay Warbaahinta u Sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda dalkaas.

Ugu dambeyn, Wasiirkan ayaa waxaa loo magacaabay xilka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Uganda, sannadkii 2013-kii, markaasoo laga soo Wareejiyay Ciidamada oo uu madax u ahaa, isagoo ahaa nin ay aad isugu dhow yihiin Madaxweyne Yoweri Museveni. laakiinse Illaa hadda lama sheegin sababta uu u dhintay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya