4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2015
Booliiska Waddanka Maraykanka oo Wiil 14-jir ah oo Muslim ah u Xiray inuu Sameeyay Saacad


Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Booliiska Magaalada Irving ee Dalka Maraykanka ayaa xiray, Axmed Maxamed oo ah 14-jir ah dhiganayayna iskuul ku yaalla magaaladaas, kaddib markii uu Iskuulka la yimid Saacad uu Gurigiisa kusoo sameeyay.

Maamulka dugsiga sare ee MacArthur ayaa u qaatay saacada uu keenay Axmed inay tahay bam gacmeed, waxayna si hoose u waceen ciidanka booliiska, taasoo keentay in wiilka yar lagu xiro xabsiga juvenile.oo ku yaala isla magaaladaas.

Wiilkan yar ayaa la sheegay inuu doonayay in saacada uu sameeyay uu tuso Macallinkiisa, isla markaana uu kadis uga dhigo Ardayda ay isku Fasalka yihiin, Waxaana Aabaha dhalay Wiilkan oo lagu Magacaabo Maxemd El-Xasan oo Asal ahaan kasoo jeeda Dalka Suudaan uu sheegay in wiilkiisa si xun loola dhaqmay.

Guddiga Muslimiinta Dallas ayaa iyagana sheegay inay baarayaan Arrinta dhacday, iyagoo ka digay suuro-galnimada ah in Islaan nacayb loo xiray wiilkan, waxayna boolisku xuseeen in Axmed la Xukumi karo, Maadaama u sameeyay Saacad Bam loo ekeysiiyay.

Axmed Maxamed oo la hadlay Dallas Morning News ayaa isagana Sheegay inuu jeclahay Injineernimada, isla markaana uu doonayay in saacadda uu tuso macalimiintiisa si uu uga helo fikrado dheeri ah.

Waxa uu sheegay in macalinksiisa maadada Injirneerinka uu ka helay hambalyo, uuna kula taliyay in uusan tusin macalimiinta kale ,isaga oo sheegay in dhawaqa saacadda ay keentay in macalin kale uu ogaado xili lagu jiray xiisad ka baxsan tan injineerinka.

“Saacaddu Waxay u eg-tahay bam,“ ayuu yiri Axmed oo sheegay in laga saaray fasalkii uu ku jiray ,isla markaana ay Waraysi ka qaadeen Afar xubin oo ka socotay laamaha booliiska iyo madaxda iskuulka uu dhiganayay.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliiska Magaaladaas oo lagu magacaabo James McLellan ayaa Sheegay in Axmed uu u Xaqiijiyay in Wuxuu Sameeyay ay tahay Saacad, Mana jiro Wax War ah oo kasoo baxay Iskuulka MacArthur oo aan ka ahayn in ilaaladiisa ay Xaq u leeyihiin soo gudbinta wax kasta oo ay ka shakiyaan.

Ugu danbayn, Alia Saalim oo ka tirsan Ururka Muslimiinta Maraykanka ayaa Sheegtay in ay ka xun-yihiin xariga Axmed oo ahaa  wiil da’yar oo fir-fircoon, iyadoo arintan Siyaabo kala duwan u canbaareeyay musliminta Maraykanka iyo waliba kuwa Caalamka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]