4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2015
Maxkamadda Ciidamada oo Xukuntay Xubno la sheegay inay ahaayeen Al-shabaab (SAWIRRO)


Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Somalia ayaa maanta Xabsi daa’in ku xukuntay saddex ruux oo mid ay haweeney ahayd oo la sheegay inay ka tirsan yihiin xarakada Al-shabaab, kuwaasoo la sheegay in Miinooyinka lagu dhajiyo Gaadiidka iyo Waxyaabo kale oo Qaraxyada laga sameeyo lagu soo Qabtay.

Eedeysanayaasha la xukumay ayaa waxay ahaayeen saddex qof oo mid ka mid ah ay ahayd Haweeney, kuwaasoo lagu kala magacaabo; Xuseen Cabduqaadir Salaad, C/risaaq Xuseen Cismaan iyo Fartuun Isaaq Cabdi, ayna Qaabilsanaayeen Diyaarinta Qaraxyada.

Sidoo kale, Maxkamada ayaa lagu soo bandhigay Qalabkii ay ka sameyn jireen Qaraxyada, iyadoo la sheegay in saddexdan qof ay soo qabteen ciidanka Nabad-sugidda Somalia xilli ay Howlgal ka Sameynayeen degmo ka mid ah Muqdisho.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Col. Xasan Cali Shuute ayaa dhageysiga dacwadihii Saddexdaan ruux kaddib ku Dhawaaqay Xukunkooda, isagoo sheegay in mid Walba oo ka mid ah lagu xukumay xabsi daa’in ama madaxaa ha ku furto.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu Horreysay oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay xukuno ku riddo eedeysanayaal la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, iyadoo horay u xukuntay eedeysanayaal la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya