4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2015
Kulan looga Hadlayay Maal-gashiga Somalia oo lagu soo Gunaanaday Dalka Imaaraadka Carabta


Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Kulan looga Hadlayay Maal-gashiga Somalia oo ay ka qayb-galeen xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Cumar Hadliye ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Maanta Magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Shirkan Waxaa Goob-joog ka ahaa Wasaaradda Arrimaha ee Imaaraadka Carabta; iyadoo Diiradda lagu saaray Fursadaha Maal-gashi ee Soomaailya, kaasoo ay si wadajir ah u shir-Guddoominayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaam Hadliye iyo Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta, Khalid Ghanim.

Khalid Al-Ghaith ayaa hadal uu kulanka ka jeediyay ku sheegay in Shirkaan uu xoojinayo Fursadaha ku aaddan in Maal-gashi lagu sameeyo Somalia, isagoo xusay in la isku raacay sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Somalia iyo Imaaraadka Carabta ka dhexeeya, isla markaana ay Ganacsatada Imaaraadku Maal-gashi ugu sameysan lahaa gudaha Somalia.

Sidoo kale, Al-Ghaith ayaa intaas ku daray in Labada Waddan ay iska kaashan doonaan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin; Maal-gashiga, Ganacsiyada kala duwan iyo weliba duulimaadyada rayidka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaam Hadliye Cumar oo Hadal dhinacyo badan ka jeediyay Gunaanadkii kulanka ayaa sheegay in kulanka uu guul kusoo dhamaaday, isla markaana ay sii Xoojinayso Xiriirka Dublamaasiyadeed Somalia iyo Imaaraadka ka dhexeeya.

Sidoo kale, C/salaam Hadliye ayaa xukuumadda Imaaraadka ku ammaanay Taageerada ay mar waliba la garab-taagan tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Somalia oo uu xusay inay dhinacyo badan ka taageeraan.

Ugu dambeyn, Kulanka kaddib ayaa Waxaa billlowday Kulammo Gooni-gooni ah oo ay Mas’uuliyiinta labada Dal yeesheen, kuwaasoo lagu Go’aamiyay in Imaaraadka ay si dhow uga faa’iideystaan Fursadaha Maal-gashi ee xilligan ka jira Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya