4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2015
Madaxweynaha Suuriya oo sheegay inuusan xilka uga Degeyn Cadaadiska Dalalka Reer Galbeedka


Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Suuriya, Bashar Al-Assad ayaa sheegay inuusan Xilka uga degi doonin Cadadaadisyada Shisheeyaha kaga imaanaya, balse wuxuu sheegay in haddii ay shacabka dalkiisa ay ka dalbadaan inuu xilka ka dego uu aqbali doono.

Waddamada Reer Galbeedka iyo kooxaha kasoo horjeeda xukuumadda Al-Assad ay marar badan sheegeen inaysan macquul ahayn in Madaxweyne Al-Asad uu sii hoggaamiyo dalka ay Colaaduhu Halakeeyeen.

Sidoo kale, Bashar Al-Assad ayaa xusay in dowladda Iiraan ay ka taageerto xukuumaddiisa dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Ciidamada, laakiin aysan jirin Ciidammo ka socda dalka Iiraan oo ku sugan dalkiisa.

Hoggaaminaya dalka Suuriya ayaa hadalkiisan wuxuu imaanayaa xilli Dowladda Ruushka ay sheegtay inay xoojinayso Joogitaankeeda Gudaha Dalka Suuriya, iyadoo Mas’uuliyiinta Ruushka ay dhawaan ku dhawaaqeen inay Saldhig Cirka ah ay ka Sameysanayso Suuriya.

“Xilka waxaan ku qabtay kalsooni ay i siiyeen shacabka Dalka Suuriya, Haddii ay Noqoto inaan xilka ka dagana waa inay Shacabka Dalkeyga iga dalbadaan,” ayuu Assad Hadalkiisa ku daray, isagoo u warramayay Warbaahinta dalka Ruuhska.

Bashar Al-Assad ayaa xilka loo doortay mar kale Sannadkii lasoo dhaafay 2014-kii, isagoo ku guuleystay codad gaaraya 88.7% doorashadii dalkaas ka dhacday, iyadoo doorashadu ay ka dhacday deegaannada ay maamusho xukuumadda oo keliya.

Al-Assad ayaa wareysigiisa kaga hadlay arrimaha Qoxootiga dalka Suuriya, ayaa xusay in ay Gaarayaan Afar milyan oo Ruux oo dibadda uga baxay Dalkaas, hal Milyan oo Ruux oo kalena ay ku barakaceen gudaha dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Suuriya Wuxuu ka Dalbaday Dalalka Reer Galbeedka ah inay joojiyaan inay Taageeraan Argagaxisada, Haddii ay diiddan yihiin Qulqulka Qoxootiga ka cararaya cColaadaha ka socda Suuriya.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa ugu baaqay Dhiggiisa Wadanka Ruushka, Sergei Lavrov inay joojiyaan isku-dayga ay ku doonayaan inay saldhig millateri uga dhistaan gudaha Suuriya.

John Kerry ayaa sidoo kale uga digay Ruushka taageerada ay siiyaan Dowladda Bashar al-Assad, taasoo uu sheegay inay Qayb ka qaadan karto sii Xoogeysiga colaadaha ka socda dalkaas.

Ruushka ayaa dhankeeda dhawaan sheegtay inay ka caawiso Al-Assad iyo Xukuumaddiisa dagaalka ay kula jiraan kooxda Islaamiga ah ee kooxda ISIS oo dalkaas kawadda dagaallo ay dhul badan ku qabsanayso.

Madaxweynaha Dalka Ruushka, Vladimir Putin ayaa Wacad ku maray inuu sii Xoojinayo Taageerada Millateri ee uu siinayo Madaxweyne Bashar Al-Assad, isagoo wadamada kale ugu baaqay inay iyaguna ay qalab millateri ugu deeqaan xukuumadda Dimishiiq.

Ugu dambeyn, Saraakiil ka tirsan Xukuumadda Washington oo ay soo Xiganaysay Reuters ayaa Shaaciyay in Ruushanku ay Diyaarado dagaal iyo Taangiyo ay dirtay dalka Suuriya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya