4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2015
Ciidamada Amaanka Kenya oo lagu eedeyay dilal ay u Geystaan Dadka Argagaxisada looga Shakiyo


Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Warbixin ay shalay soo saareen Guddiga Qaran ee xaquuqul Insaanka Dalka Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo (KNCHR) Kenya National Commission on Human Rights, ayaa lagu sheegay in ciidamada Amniga Kenya ay si sharci daro ah u dileen 25 qof halka 81 kalana la la’yahay meel ay ku dambeeyeen kadib markii lagu eedeyay Ciidamadu iney ka wateen meelihii ay ku sugnaayeen.

Guddiga, ayaa warbixintiisa ku sheegay in dhamaan dadkaas dhibaatooyinka loo geystay loogu mar-marsiyooday barnaamijka la dagaalanka argagaxisada oo labo sano ka hor ka bilowday Kenya.

Warbixinta uu Guddigu soo saaray oo Ciinwaan looga dhigay [Qaladaadka lagula dagaalamaayo Argagixiso], ayaa waxaa lagu sheegay in dad tiradooda ay gaareyso 125 ay si sharci daro ah ogu jiraan Xabsiyada xili aysan wali helin cadaalad. Waxaa sidoo kale eed loogu soo jeediyay Hay’addaha ammaanka Kenya oo lagu eedeyay iney gabood-falyo xad dhaaf ah kula kacaan xaquuqda dadka argagaxisada lagu tuhuumo.

KNCHR ayaa sheegtay in Xog’taan ay ka soo arruuriyeen tuulooyin ka tirsan ismaamulka Gaarisa, Wajeer, Mandheera, Tana River iyo Lamu oo ka wada tirsan Gobalada Xeebta iyo Waqooyi Bari Kenya oo inta badan ay ku nool yihiin Muslimiinta Kenya.

Waxey si gaar ah Hay’addu u sheegtay in xad-gudubyadaas loo geysto dadka Muslimiinta ah, lana beegsado Soomaalida, wuxuuna ka digay guddigu in arrintaas ay keeni karto naceyb.

Gobalka Waqooyi Bari Kenya, ayaa guddigu uu ku sheegay iney ku arkeen Godad iyo Xabaal wadareedyo lagu qariyay Meydadka dad la dilay, iyadoo ehelada iyo dadka deegaanadaasna ay hay’adda u sheegeen in ciidamada ammaanka ay markii hore la baxeen dad wali la la’yahay meel ay ku danbeyeen.

Warbixinta Guddiga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dilalka sharci darada lagu tilmaamay ay fuliyeen cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska ee ka hortago argagaxisada ee magacooda loo soo gaabiyo ATPU, GSU, AP, KWS iyo Ciidamada kale ee Xuduudaha illaaliyo oo shacabku ay ku wada eedeyeen fulinta dilalkaas.

Dhanka kale, Afhayeenka Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF Col. David Obonyo, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta loo soo jeediyay ciidamada Kenya. Wuxuuna sheegay in ciidamada Milatariga aysan fara-galinin howlaha kale ee quseeyo ciidamada ammaanka Kenya oo Boolisku uu ka mid yahay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya