4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2015
HRW oo sheegtay in Dad Magan-galyo doon ah oo ay Soomaali ku jiraan lagu Xiray Thailand


Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in Dowladda Thailand ay si khalad ah u xirtay 64-qof oo Magan-galyo doon ahaa oo Toddoba ka mid ah ay ahaayeen caruur.

Dadkan magan-galyo ah doonka ahaa ee lagu xiray dalka Thailand ayaa waxay kasoo kala jeedaan Soomaaliya iyo Bakistaan, iyadoo ay hay’addu sheegtay inay dhici karaan inay ku jiraan dad jinsiyado kale leh.

Hay’addu waxay sheegtay in Saraakiil ka Tirsan Thailand iyo Booliiska ay weerar ku qaadeen dhisme dadkaasi degenaayeen oo ku yaalla Bangkok; iyagoo halkaas ku xiray tiro ka mid ah dadkii degenaa dhismahaas oo isugu jiray Bakistaan iyo Soomaali.

Sidoo kale, HRW ayaa wabixinteeda ku sheegtay in dadka noo dhan maxkamad la soo taagay iyagoo lagu eedeeyey inay si sharci-darro ah Thailand ku joogeen, lagu xukumay ganaax, iyadoo loo gudbiyay waaxda socdaalka Suan Phlu ee Bangkok oo ah xarunta dalka Thailand.

HRW waxay sheegtay in dadkan magan-galyo doonka ahaa ee la xir-xiray ay ku jiraan carruur, iyadoo midka ugu yar ay da’diisu tahay 14-jir, Hay’aduna waxay xustay in xariga carruurta uu si gaar ah Waxyeello u Gaarsiinayo Caafimaadka Carruurta.

Waxay Hay’addu ugu baaqday Dowladda Thailand inay sii deyso dadkaas u xiran iyo carruurtooda u sii dayso, kuwaasoo magan-galyo doon ahaa, balse aan wax dambiyo ah gacanta kula jirin.

Ugu dambeyn, HRW ayaa waxay sheegtay in dadka Soomaalida ah ee dadkan la xirxiray ka mid ah ay ka carareen colaadaha Soomaaliya ka socda, ayna xaq u leeyihiin inay helaan xuquuqdooda lana caawiyo, maadaama ay magan-galyo doon yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya