4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2015
Erdogan oo Warqadihii Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga


Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Safiirka Cusub ee Dowladda Somalia ay dhawaan u Magacowday Dalka Turkiga, Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] ayaa si rasmi ah looga guddoomay Warqadaha aqoonsiga Safiirnimo, kaddib kulan uu Ankara kula yeeshay madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Erdogan ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay safiirka Cusub ee Soomaaliya Sanbaloolshe, iyadoo safiirku uu u Gudbiyay Reccep Erdogan Dhambaal uu kaga siday Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud.

Danjire C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa bishii May ee sannadkan si rasmi ah loogu magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fariisan doona dalka Turkiga, isagoo bedelay Danjirihii hore ee Somalia oo xilka safaraadda hayay muddo saddex sannadood ah, Maxamed Sheekh Mursal.

Safaarada Soomaaliya ayaa ku taalla Magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, halkaas oo danjiraha cusub ku shaqeyn doono, iyadoo dalkaas ay ku sugan yihiin arday badan oo Soomaaliyeed oo wax ka barta iyo Soomaali kale oo siyaabo kala duwan u tagay dalkaas.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dib u soo laabtay sannadkii 2011-kii, kaddib markii Turkiga ay Somalia ka billlaabeen caawinta kumannaan qof oo Soomaali ah, kaddib markii ay deegaannadii ay ku noolaayeen ay abaaro ku dhufteen.

Dhanka kale, Kaalmada Turkiga iyo soo Laabashada Xiriirka Labada Waddan ayaa waxaa barbar socotay in Reccep Erdogan uu Somalia yimid laba jeer oo isku xirta, taas oo sabab u noqotay in Caalamka uu dib u eegis ku sameeyo colaadaha dalka ka taaganaa labaatameeyada sano.

Ugu dambeyn, Danjire Sanbaloolshe ayaa dhawaan xaflad ka dhacday Magaalada Ankara kula wareegay xilka danjirenimo ee Somalia, iyadoo tani ay noqonayso mid si rasmi ah uu howshiisa danjirenimo ugu billaabi karo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya