4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2015
DHAGEYSO: Wareysi dhinacyo badan Taabanaya oo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu siiyay HOL


Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Cusub ee Gal-Mudug oo Booqasho ku joogo Waddanka Kenya, ayaa ka Warbixiyay Dagaallo Dhawaan ka dhacay Gobollada Dhexe ee Somalia isagoona beeniyay eedeyn  ay u jeediyeen Ururka Ahlu Sunna oo ku saabsaney iney hub ka heleen dowlada Somalia.

Maxamed Xaashi Cabdi, Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale Sheegay in ay wadahadalo la galeen Maamulka Ahlusunna waljameeca ee Gobollada dhexe. Wuxuuna intaas ku daray in Magaalada Cabud-waaq aysan ka Dagaallamin Ciidamadooda, Wuxuuna Tilmaamay in shacab taageersan maamulkooda ay dagaalkaas galeen.

Dhanka kale Maxamed Xaashi kaga Warramay halka uu ku dambeyay Murankii Soohdinta ee kala dhaxeeyay maamulka ay dariska yihiin ee Puntland.

Sidoo kale, Wuxuu Madaxweyne ku Xigeenku Beeniyay eedeyn ay Ahlusunna dhawaan u jeediyeen Maamulkooda oo ku Saabsanayd iney Hub ay kula Dagaallameen ay ka Heleen Dowladda dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna tibaaxay in xiriir Wanaagsan uu kala dhaxeeyo dowlada balsa aynan hub siinin.

Wareysiga oo dhinacyo badan Taabanaya ayuu Maxamed Xaashi mar kale kaga Jawaabay su'aal aan Weydiinnay oo ahayd sababta uu hada u joogo wadanka Kenya? Wuxuuna kaga jawaabay.

DHAGEYSO: Wareysiga Madaxweyne ku Xigeenku Siiyay  HOL oo Dhameystiran;

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi - Kenya