4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2015
Madaxweynaha Burundi oo uga digay Ciidankiisa Millateriga inay Cadowgu kala Qaybiyaan


Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa ugu baaqay Millateriga dalkiisa inay midnimadooda xoojiyaan, kaddib isku-day lagu dilahaa oo uu Jimcihii shalay ka badbaaday Taliyaha Millateriga Burundi, Jen. Prime Niyongabo.

Weerar gaadmo ah oo la doonayay in lagu dilo Taliyaha Millateriga dalka Burundi ayaa la sheegay in lagu dilay saddex askari oo ilaalo u ahaa Jen. Niyongabo iyo laba ka mid ahaa kooxihii Weerarka ku qaaday gaadiid kolonyo ah oo uu Taliyuhu la socday Aroornimadii Jimcihii shalay, iyadoo weerarkaas ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale.

Isku-daygan dil ee uu ka badbaaday Jen. Niyongabo ayaa daba socda weerarro kala duwan oo Magaalada Bujumbura ka dhacayay Bilhii lasoo dhaafay, kuwaasoo Xubnaha ka Tirsan Dowladda Burundi iyo Xisbiyda Mucaaradka lagu Bartilmaameedsanayay.

Tan iyo bishii Abriil ee Sannadkan ayaa Waxaa Burundi ka Socday Rabshado ka Dhashay markii Madaxweynaha dalka Burundi uu shaaciyay inuu mar saddexaad u tartamayo xilka Madaxnimo ee dalkiisa, taasoo ay Mucaaradku kasoo Horjeesteen.

Pierre Nkurunziza oo mar Saddexaad loo doortay Xilka Madaxnimo ee Burundi bishii July ee sannadkan ayaa sheegay isku-dayga lagu dili lahaa taliyaha guud ee Millateriga Burundi uu qayb ka yahay qorshayaasha lagu doonayo in lagu kala qaybiyo millateriga dalkiisa.

“Weerarkan waa qorshe lagu doonayo in kala qaybsanaan lagu dhex-dhigo Milaterigeena,” ayuu yiri ku xigeenka Afhayeenka Madaxweynaaha Dalka Burundi, Louis Kamwenubusa oo Warbaahinta u Akhrinayay War-saxaafadeed uu soo saaray Pierre Nkurunziza Jimcihii shalay.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri. “Madaxweynuhu Wuxuu Ciidanka Qaranka ugu baaqay inay is-dajiyaan oo aysan dabinka cadowga ku dhicin, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay xubnaha caalamka ka socda ee Burundi ku sugan inay iyaguna is-dajiyaan.”

Qaar ka mid ah Saraakiisha Millateriga Burundi oo Shaqada laga fariisiyay kaddib markii lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen isku-daygii Af-gambi ee fashilmay ee la doonayay in Awoodda looga tuuro Pierre Nkurunziza bishii May ee sannadkaan; iyagoo tan markaas ku marayay Wacad inay ka Taqalusi doonaan Nkurunziza.

Madaxweynaha Burundi ayaa Jimcihii Sheegay in kala Qaybsanaan Walba oo soo Dhex-gasha Millateriga Burundi ay Caqabad ku noqonayso Ammaanka guud ee Burundi. Iyadoo Dublamaasiyiin kala duwan oo Caalami ah ay horay u sheegeen in dalka Burundi uu qarka u saaran yahay inay ka dillaacaan colaado sokeeye.

Ugu dambeyn, Toddobaadkii hore ayay kooxo hubeysani ku dileen Magaalada Bujumbura Afhayeenka Xisbi ka mid ah kuwa mucaaradka dalka Burundi. Sidoo kalena waxaa Bishii lasoo dhaafay la dilay Jen. Adolphe Nshimirimana oo ahaa madaxii hore ee ilaalada Pierre Nkurunziza's, kaasoo lagu dilay weerar gaadmo ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya