3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2015
Taliye ku-xigeenka Booliiska Somalia oo Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Waxaa Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan saraakiil uu Hogaaminayay taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xuseen Afrax.

Taliyaha iyo saraakiisha uu horkacayay waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax iyo Saraakiisha Ciidanka Booliiska Gobolka Qaarkood.

Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo warbaahinta kula hadllay xarunta maamulka gobolka ayaa ku soo sheegay safarkooda mid la xiriira siddii ay ugu kuur-gali lahaayeen xaalada nabad-galyo ee guud ahaan gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne, isaga oo intaa ku darray in mudada ay joogaan kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas'uuliyiinta maamulka, saraakiisha ciidammada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

C/fataax Xassan Afrax oo ka hadlay xafladda soo dhaweynta taliye ku-xigeenka booliiska Soomaaliya iyo saraakiisha la socta, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ku faraxsan yihiin wafdiga maanta soo gaaray, islamarkaana mudada ay joogaan ka wadda hadlli doonaan arrimo dhowr ah oo la xiriira xaalada nabad-galyo shaqada ciidammada booliiska gobolka Hiiraan.

Xubnaha Safarka ku Wehlinayay Taliye ku-xigeenka booliiska Somalia ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Hiiraan, Col. Isaaq Cali C/dulle, iyo Saraakiil kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya













Click here
9/12/2015 4:25 PM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Cusub ee Gal-Mudug oo Booqasho ku joogo Waddanka Kenya, ayaa ka Warbixiyay Dagaallo Dhawaan ka dhacay Gobollada Dhexe ee Somalia isagoona beeniyay eedeyn ay u jeediyeen Ururka Ahlu Sunna oo ku saabsaney iney hub ka heleen dowlada Somalia.

9/12/2015 1:02 PM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa ugu baaqay Millateriga dalkiisa inay midnimadooda xoojiyaan, kaddib isku-day lagu dilahaa oo uu Jimcihii shalay ka badbaaday Taliyaha Millateriga Burundi, Jen. Prime Niyongabo.

9/12/2015 12:18 PM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa Dalka Shiinaha la Saxiixatay heshiis ku saabsan Korontada laga dhaliyo Nulear-ka , taasoo qayb ka ah Qorshayaal ay ku doonayso Dowladda Shiinuhu inay Bariga Afrika uga hirgeliso Sanadkan 2015-ka Saldhig Awoodda Korontada ee Nuclear-ka laga Dhaliyo, Sida ay shaaciyeen Guddiga dalka Kenya u Qaabilsan Awoodda Tamarta Nuclear-ka.

9/12/2015 11:09 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaarihii dalka Masar, Ibrahim Mahlab iyo Xukuumaddiisii ayaa maanta is-casilay, kaddib markii ay lasoo Daristay Fadeexad Musuq-maasuq, iyadoo Madaxweynaha dalkaas, C/fataax Al-Sisi ayaa isla maanta Ra’iiul wasaare KMG ah isla Manta u Magacaabay Wasiirkii Shidaalka Masar, Sherif Ismail si Xukuumad Cusub ugu soo dhiso muddo toddobaad gudihiis ah.

9/12/2015 9:30 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Wufuud ka socota Dowaladda Somalia, Itoobiya iyo Kenya ayaa xalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, Halkaasoo ay ka socoto Munaasabada Caleemo-saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Sh. Axmed Maxamed Islaam [Sheekh Axmed Madoobe] oo dib loo doortay bartamihii bishii August.

9/12/2015 8:50 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Uganda Jen. Aronda Nyakairima ayaa si lama filaan ah ugu dhex geeriyooday diyaarad uu ku safarayay, isagoo kasoo duulay dalka South Korea oo uu booqasho ku tagay isagoo ku socday Kampala, sida ay maanta oo Sabti ah sheegeen sheegeen mas’uuliyiin dalka Uganda.

9/12/2015 7:47 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta isku faro saaray Kalfadhigii Golaha oo Xildhibaanada Muxaafadku soo gudbiyeen mooshin lagu Taageerayo Heshiishka Xukuumaddu la galayso Shirkaddo gaar ah oo ay ku Wareejinayso Haamaha Keydka Berbera.

9/12/2015 7:33 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Tiradad dadkii ku dhintay wiish kuwa wax lagu dhiso ah oo ku soo dhacay Masaajidka Barakeysan ee Xaramka [Makka Al-Mukarama] ayaa 107 ruux gaaraya, iyadoo dhaawucuna Caga-cageynayo in ka badan 238-qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Saudi Arabia.

9/12/2015 6:50 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu Maamuusayay Sannad-guuradii Saddexaad ee kasoo Wareegtay markii xilka Madaxtinimada ee dalka loo doortay Xasan Sh. Maxamuud ayaa Xalay lagu Qabtay Muqdisho, iyadoo Madaxweynuhu uu halkaas ka jeediyay khudbad.

9/12/2015 6:21 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Jaamacaddii Saddexaad ee ka Hawl-gasha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa xarigga laga jararay, kaddib xafladda furitaan Jaamacaddan oo lagu magacaabo Jaamacadda ILAYS National University oo lagu Qabtay Laascaanood.

9/12/2015 4:11 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni ayaa isagoo ku sugan magaalada Tokyo ee dalka Japan inay Maqcuul tahay in Qaar ka mid ah Askartooda ay Gacanta ugu jiraan Al-shabaab.

9/12/2015 4:00 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Farkeeti ayaa si diirran u soo dhaweeyey ansixinta dib u eegistii miisaaniyada Sannadkan 2015-ka, isagoona ku tilmaamay iney tahay talaabo looga hortagayo isu dheeli tir la’aanta dakhliga dowladda iyo kharashaadka baxaya kadib markii uu gaabis ku yimid qoondadii ay ku kabi lahaayeen deeq bixiyayaasha caalamka ee miisaaniyadii la ansixiyey sanadkaan bilowgiisa.