4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2015
Ra’iisul Wasaarihii Masar Ibraahim Mahlab iyo Golihiisii Wasiirrada oo Maanta Is-casilay


Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaarihii dalka Masar, Ibrahim Mahlab iyo Xukuumaddiisii ayaa maanta is-casilay, kaddib markii ay lasoo Daristay Fadeexad Musuq-maasuq, iyadoo Madaxweynaha dalkaas, C/fataax Al-Sisi ayaa isla maanta Ra’iiul wasaare KMG ah isla Manta u Magacaabay Wasiirkii Shidaalka Masar, Sherif Ismail si Xukuumad Cusub ugu soo dhiso muddo toddobaad gudihiis ah.

Saraakiil ka Tirsan Xukuumadda Masar ayaa AFP u sheegay in Qorshuhu yahay in Xubno Cusub lagu soo daro Xukuumadda, kaddib markii Isniintii lasoo dhaafay la xiray Wasiirkii Beeraha, Salah Helal oo lagu eedeeyay inuu qaatay laaluush.

Madaxweynaha Masar Al-Sisi ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaarihii Masar, Ibrahim Mahlab uu u soo Gudbiyay is-casilaadda Xukuumaddiisa, isaguna uu ka aqbalay. Isagoo sheegay in uu Wasiirkii Batroolka uu si KMG ah ugu Magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Masar, kaasoo uu xusay inuu muddo todobaad ah kusoo dhisi doono xukuumad cusub.

“RW hore ee dalka Masar iyo xukuumaddiisa way sii shaqeynayaan inta iyo inta laga soo dhisayo Xukuumad Cusub oo Xilka kala Wareegta,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Masar.

Warbaahinta Dalka Masar ayaa baahiyay in is-casilaaddan ay timid kaddib markii la xiray Wasiirka Beeraha Masar, Salah Helal. Iyadoo loo xiray kaddib uu Al-Sisi weydiistay inuu is-casilo, kaddib markii lala xiriiriyay Musuq-maasuq si baaris loogu sameeyo.

Sidoo kale, Salah Helal iyo madaxa shaqaalaha Wasaaraddiisa ayaa waxaa lagu eedeeyay inay lacago laaluush ah qaatee, taasoo lagu sheegay inay ahayd mid ay ku doonayeen inay ku iibsadaan hantida Qaranka.

Xukuumadda Is-casilay ee Masar ayaa beenisay in ay Musuq-maasuqa la Sheegay ku lug leedahay, isla markaana aan isku-shaandheyn lagu sameynayn, balse uu yahay qofka lagu eedeeyay Musuq hal wasiir oo keliya.

“Sababta ugu weyn ee xukuumaddu isu-casishay waa kaddib markii Al-Sisi uu ka dalbaday Wasiirrada Xukuumadda Qaarkood inay u Shaqeeyaan sida uu C/fataax Al-Sisi doonayo; isagoo Marmarsiyo ka dhiganaya Adeegyada shacabka oo aan sidii la doonayay wax looga qaban,” ayuu yiri Mustafa Kamel Al-Sayyed oo ah Professor Cilmiga Siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Qaahira.

Is-casilaadda Xukuumadii Masar ayaa kusoo aadaysa xilli waddankaas uu isku diyaarinayo Qabashada Doorashada xildhibaannada dalkaas oo ah laba waji oo lagu wado inay dhacaan 17-ka Oktoobar iyo 02-da December 2015-ka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dalka Masar, C/fataax Al-Sisi oo Xukunka Dalkaas kala Wareegtay 2013-kii Madaxweynihii lasoo doortay ee Masar, Maxamed Mursi ayaa Xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Ibraahim Mahlab Sannadkii hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya