4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2015
Wufuud ka kala Socda Dowladda Somalia, Kenya iyo Itoobiya oo Gaaray Magaalada Kismaayo


Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Wufuud ka socota Dowaladda Somalia, Itoobiya iyo Kenya ayaa xalay gaaray Magaalada  Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, Halkaasoo ay ka socoto Munaasabada Caleemo-saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Sh. Axmed Maxamed Islaam [Sheekh Axmed Madoobe] oo dib loo doortay bartamihii bishii August.

Mas’uuliyiinta tagay Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah; Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Tedros Adhanom iyo Wafdi ka socda dalka Kenya oo uu ka mid yahay; Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Xaaji.

Sidoo kale, Wafdiga Madaxweynaha Somalia ee Kismaayo gaaray ayaa waxaa ka mid ah Madaxda Maamul-goboleedyada dalka qaarkood, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland oo ka Socota Kismaayo ayaa Waxaa ka Qayb-galaya Xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland, waxgarad, siyaasiyiin iyo sidoo kale marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo Adkeeyay, iyadoo la hakiyay isku socodka gaadiidka iyo dadka, waxaana la sheegay in Waddooyinka Magaalada la dhigay ciidammo fara badan oo amniga sugaya.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu khudbad dhinacyo badan uu ka jeediyo xafladda, iyadoo uu weli taagan yahay muran u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Warbixinta ku saabsan Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland iyo Sawirrada waxaan idin kugu soo gudbin doonnaa wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya