4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2015
Wasiirkii Arrimaha Gudaha Uganda oo si lama Filaan ah ugu Geeriyooday Diyaarad Dhexdeed


Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Uganda Jen. Aronda Nyakairima ayaa si lama filaan ah ugu dhex geeriyooday diyaarad uu ku safarayay, isagoo kasoo duulay dalka South Korea oo uu booqasho ku tagay isagoo ku socday Kampala, sida ay maanta oo Sabti ah sheegeen sheegeen mas’uuliyiin dalka Uganda.

Ra’iisul Wasaaraha Uganda, Ruhakana Rugunda ayaa War-warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Jen. Aronda Nyakairima oo 56-jir ahaa uu Geeriyooday intii ay diyaaraddii uu Saarnaa u soo Socotay Magaalada Dubai ee Waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta halkaasoo uu doonayay inuu kaga soo duulo Uganda.

Nyakairima ayaa la sheegay inuu dhintay Aroornimadii Sabtida maanta ah; sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Uganda, Pamela Ankunda.

Sidoo kale, Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay in geerida wasiirkan ay Uganda u tahay maalin madow, iyagoo xusay inay Shacabka Uganda iyo Ehelladiisa ay u tahay Maalin Murugo leh.

“Geerida deg-degga ah ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Uganda ku timid weli lama oga, laakiin waxaa baaritaan ku saabsan sababta geeridiisa keentay lagu baarayo Dubai,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Xukuumadda Uganda kasoo baxay.

Jen. Nyakairima ayaa la sheegay inuu tan iyo sanadkii 2013-kii uu ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha Uganda, isagoo horayna u soo noqday taliyaha Millateriga Uganda, isagoo billad-sharaf ku helay dagaalladii uu ku jabiyay Jabhada ka dagaalanta Waddanka Uganda ee uu Hoggaaminayo Joseph Kony.

Ugu dambeyn, geerida Jen. Nyakairima ayaa lagu baaqay in baaritaanno dhaqso ah lagu sameeyo; iyadoo Madaxa joogtada ah ee Xuquuqda Aadanaha Dalka Uganda, Ladislaus Rwakafuuzi uu sheegay in hay’adaha Sir-doonka Uganda ay baaritaanno Deg-deg ah ku sameeyaan sababta keentay geerida Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Uganda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya