4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2015
Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo isku faro saaray Kulankii Maanta (SAWIRRO)


Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta isku faro saaray Kalfadhigii Golaha oo Xildhibaanada Muxaafadku soo gudbiyeen mooshin lagu Taageerayo Heshiishka Xukuumaddu la galayso Shirkaddo gaar ah oo ay ku Wareejinayso Haamaha Keydka Berbera.

Fadhigii maanta waxaa Shir-gudoominayey, C/raxmaan Cirro oo ay hareerihiisa Fadhiyaan labadiisa ku xigeen, ayaa halkaasi ka soo jeediyey mooshin ay xildhibaanadda muxaafadku soo gudbiyeen oo ay ku saxeexan yihiin 38 xildhibaan, waxaanu golaha u sheegay in xeer hoosaadka goluhu dhigayo in mooshinnada noocan ah lagaga doodo kalfadhiga dambe golaha wakiilladda, sidaasna fadhiga maantu ku xidhan yahay.

Balse, Guddoomiye xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, ayaa makarafoonka ku qabsaday Guddoomiye Cirro,  ka dib markii uu ka biyo diiday xadhitaanka fadhiga, isla markaana doonayey in mooshinka la guddo gallo, taasina waxay keentay in Makarofoonka isku qabsadaan labadan masuul.

“Guddoomiye xigeenku waa inuu ixtiraamo golaha wakiillada iyo Xeer-hoosaadka Golaha. Haddii Golaha Wakiilladu yeesho laba Guddoomiye, Dalkuna Wuxuu yeelan doonaa laba Madaxweyne.”ayuu yidhi Guddoomiye C/raxmaan Cirro oo ka cadhaysan codbaahiyaha uu ku xigeenkiisa ku qaysto.

DAAWO: Gacan ka Hadalkii ka Dhacay Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland;

“Guddoomiye hadaad kacayso iyo hadaad fadhiyayso adagi ayay ku jirtaa Golahuna waa uu Fadhiyayaa,Waana La codaynayaa,Xildhibaanada Kulmiye aniga ayaa Guddoomiye u ah,Mana kici karaan”ayuu yidhi Baashe oo u jawaabayey Cirro.

Ka dibna Guddoomiye Cirro ayaa feedh la tiigsaday Guddoomiye ku xigeenkiisa, Baashe Maxamed halkaasi waxa ka dhashay buuq, waxaana guddoomiye Cirro sheegay in fadhigu xidhan yahay.

Intaasi kadib markii la kala furfuray labada guddoomiye ayaa guddoomiye Cirro ka baxay golaha inta uu makarafoonka ka sheegay inuu goluhu xidhan yahay.

Intaas kadibna xildhibaanadii u kala jabay muxaafad iyo mucaarad, inkastoo xildhibaanada muxaafadku doonayn in golaha la xidhin, haseyeeshee markii shirgudoonku is faro saary ayaa lagu kala dareeray.

Xildhibaanada Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan xisbiga muxaafadka ah ayaa sheegay in loo baahan yahay in lakala Diro shirguddoonka kuwaas oo ku macneeyay in Ay fadhigii Golaha rabsheen oo ay isku gacan saareen,halka xildhibaan Ibraahin Mahdi buubaa oo xisbiga mucaaradka ka tirsan isna sheegay in wiixii ka dhacay golaha ay ka dambayso madaxtooyaddu.

Si kastaba ha ahaatee, golaha ayaa u kala qabsamay muxaafad iyo mucaarad, kuwaas oo ay kala hogaaminayeen Guddoomiye Cirro iyo ku xigeenkiisa Baashe Maxamed.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye ku Xigeenka Golaha, Baashe Maxamed Faarax ayaa isaguna doonaya in guddoomiyaha laga takhalusiyey si uu fursad ugu noqdo inuu golaha gudoomiye u noqdo, halka guddoomiye Cirrana ku adkaysanayo gudoomiyenimadiisa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland