3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2015
XASAN SHEEKH: Waxaa naga go'an inaan iska qabano Qofkii Sharciga Dhibaato ku Geysanaya


Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu Maamuusayay Sannad-guuradii Saddexaad ee kasoo Wareegtay markii xilka Madaxtinimada ee dalka loo doortay Xasan Sh. Maxamuud ayaa Xalay lagu Qabtay Muqdisho, iyadoo Madaxweynuhu uu halkaas ka jeediyay khudbad.

Xafladda oo ay kasoo Qayb-galeen Guddoomiyaha Baarlamanka, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Sharma'arke, xubno ka tirsan labada gole iyo ururrada Bulshada, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka jeediyay hadal uu kaga Waramayo marxaladda Dalka uu marayo iyo Guulaha la gaarey Saddexdii sanno ee lasoo dhaafay.

Madaxweyuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya muddo haatan laga joogo rubac qarni ay ka burburtey dowlad xooggan, nidaamkii iyo kala dambeyntiina ay meesha ka baxeen, laakiin dadaal dheer kadib la qabtey hawl badan oo dowladnimo buuxda dalka loogu soo celinayo, isla markaana ay wax badan Qabsoomeen.

“Wax badan ayaa la qabtay, baahi badanna way jirtaa. Inagoo og in baahiyo badan oo kala duwan ay jiraan, ayaan haddana waxaan diiradda saarnaa baahiyada kuwa ugu muhiimsan inaan sida ugu Macquulsan wax uga qabano. Shacabkeenna wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Adeeg la bixiyo kan ugu wanaagsan dhinac kasta. Haddii aan is kaashano, shacab iyo dowlad, waxaa hubaal ah inaan gaari doonno hadafka aan leennahay,” ayuu Xasan Shiikh yiri.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dhiirri-galiyay in la sii wado hawlaha dib u heshiisiinta oo uu sheegay inay sal u yihiin in Soomaaliya ay iska ilowdo waayihii adkaa ee lasoo marey, lana furo bog cusub oo ku dhisan wada-noolaansho, is-aqbalaad iyo is-xurmeyn ah.

“Waa in qof walba lagula Xisaabtamaa waxa u geysto, saxna ma ahan in nin dambiile ah falka uu gaystay loo saariyo, qof kale iyadoo la cuskanayo sababo beeleed iyo waxyaabo kale oo aan munaasab ahayn. Qof walbana waa inuu sharciga tix-geliyaa. Haddii aan hab-dhaqanka, isla xisaabtanka joogtayno waxaa hubaal ah inaan halayno nabad, xasilooni iyo dib u heshiisiin waarta,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu xusey in Nidaamka baahinta xukunka lasii wadi doono laga tuulo illaa degmo, heer gobol iyo meel kasta oo baahidaasi ay ka jirto, isla markaana loo baahan yahay in nidaamka federaalka aan loo adeegsan in dadka lagu kala qaybiyo.

“Ujeeddada aan ka leenahay hirgelinta nidaamka federaalka, waxa weeyaan in shacabka ay baahidooda ka tashadaan, iyadoo la raacayo sharciga dalka u degsan. Ma aqbali doono in nidaamkan loo adeegsado in dadka lagu kala qaybiyo ama colaado hor leh loogu abuuro. cid kastoo lagu helo inay nidaamka federaalka u adeegsanayso kala qaybinta iyo inay ku waxyeelleyso shacabka, waxaa naga go’an inaan iska qabano, cid walba oo nidaamkan sidii loogu talo-galnay u adeegsatana waa inaan wada-taageernaa,’’ ayuu yiri Madaxweynuhu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in lixdii tiir ee dowladdiisa lagu soo doortay ay wax badan ka qabsoomeen, Ujeeddaduna ay tahay in dalka loo sameeyo Aasaas wanaagsan oo mustaqbalka horseedi kara helista dowlad adag oo sharciga iyo kala dambeynta sugta, isla markaana caddaalad u sameysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

“Lixdii tiir ee aan Doorashada kusoo galnay saddex sanno ka hor, waxaa ugu muhiimsanaa nabadda oo ah furaha horumarka iyo dowladnimada saxda ah. Guulo badan ayaa la gaarey. Al-shabaab waxaa laga saarey dhulkii ay haysteen intiisa badan. Waxay haatan ku hareen goobo aad u kooban oo aan filayo in dhowaan lasoo af-jari doono. Waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidamada Xooogga Dalka, ciidanka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo Shacabka oo iska kaashaday Dagaalka lagula jiro Al-shabaab. si dagaalka looga soo horjeedo Argagixisada looga Mira-dhaliyo, Waxaa laga Shaqeynayaa sidii uu dalka u yeelan lahaa sharciga la-dagaallanka Argagixisada.’’

Dhinaca dhaqaalaha ayuu Madaxweynaha Somalia ka hadlay isagoo xusay in Wasaarada Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Guddiga Maamulka Maaliyadda ay dejiyeen hab si hufan lagula socon karo xisaabaadka dowladda, taana ay meesha gebi ahaanka ka saari doonto in hantida dalka si sharci darro ah loo adeegsado.

Wuxuu kaloo ka hadlay Xiriirka Somalia ay la leedahay beesha caalamka, isagoo sheegay inuu aad u wanaagsan yahay, saddexdii sanno ee la soo dhaafeyna ay safaarado badan oo cusub dalka ka furmeen, shirar badan oo caalami ah ay ka dhaceen gudaha dalka, iyadoo aqbalaadaasina ay ku timid dadaalka wanaagsan ee shacabka iyo dowladda u galeen dib u soo nooleynta dowladnimada Somalia.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo sheegay in munaasabaddan ay Soomaalida oo dhan wada leeyihiin, maadaama shaqada iyo hadafka la leeyahay ay yihiin dalka uu gaaro horumar dhan kasta ah sida Ammaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Adeegyada kale ee Bulshada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/12/2015 4:25 PM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Cusub ee Gal-Mudug oo Booqasho ku joogo Waddanka Kenya, ayaa ka Warbixiyay Dagaallo Dhawaan ka dhacay Gobollada Dhexe ee Somalia isagoona beeniyay eedeyn ay u jeediyeen Ururka Ahlu Sunna oo ku saabsaney iney hub ka heleen dowlada Somalia.

9/12/2015 1:02 PM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa ugu baaqay Millateriga dalkiisa inay midnimadooda xoojiyaan, kaddib isku-day lagu dilahaa oo uu Jimcihii shalay ka badbaaday Taliyaha Millateriga Burundi, Jen. Prime Niyongabo.

9/12/2015 12:18 PM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa Dalka Shiinaha la Saxiixatay heshiis ku saabsan Korontada laga dhaliyo Nulear-ka , taasoo qayb ka ah Qorshayaal ay ku doonayso Dowladda Shiinuhu inay Bariga Afrika uga hirgeliso Sanadkan 2015-ka Saldhig Awoodda Korontada ee Nuclear-ka laga Dhaliyo, Sida ay shaaciyeen Guddiga dalka Kenya u Qaabilsan Awoodda Tamarta Nuclear-ka.

9/12/2015 11:10 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Waxaa Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan saraakiil uu Hogaaminayay taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xuseen Afrax.

9/12/2015 11:09 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaarihii dalka Masar, Ibrahim Mahlab iyo Xukuumaddiisii ayaa maanta is-casilay, kaddib markii ay lasoo Daristay Fadeexad Musuq-maasuq, iyadoo Madaxweynaha dalkaas, C/fataax Al-Sisi ayaa isla maanta Ra’iiul wasaare KMG ah isla Manta u Magacaabay Wasiirkii Shidaalka Masar, Sherif Ismail si Xukuumad Cusub ugu soo dhiso muddo toddobaad gudihiis ah.

9/12/2015 9:30 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Wufuud ka socota Dowaladda Somalia, Itoobiya iyo Kenya ayaa xalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, Halkaasoo ay ka socoto Munaasabada Caleemo-saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Sh. Axmed Maxamed Islaam [Sheekh Axmed Madoobe] oo dib loo doortay bartamihii bishii August.

9/12/2015 8:50 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Uganda Jen. Aronda Nyakairima ayaa si lama filaan ah ugu dhex geeriyooday diyaarad uu ku safarayay, isagoo kasoo duulay dalka South Korea oo uu booqasho ku tagay isagoo ku socday Kampala, sida ay maanta oo Sabti ah sheegeen sheegeen mas’uuliyiin dalka Uganda.

9/12/2015 7:47 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta isku faro saaray Kalfadhigii Golaha oo Xildhibaanada Muxaafadku soo gudbiyeen mooshin lagu Taageerayo Heshiishka Xukuumaddu la galayso Shirkaddo gaar ah oo ay ku Wareejinayso Haamaha Keydka Berbera.

9/12/2015 7:33 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Tiradad dadkii ku dhintay wiish kuwa wax lagu dhiso ah oo ku soo dhacay Masaajidka Barakeysan ee Xaramka [Makka Al-Mukarama] ayaa 107 ruux gaaraya, iyadoo dhaawucuna Caga-cageynayo in ka badan 238-qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Saudi Arabia.

9/12/2015 6:21 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Jaamacaddii Saddexaad ee ka Hawl-gasha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa xarigga laga jararay, kaddib xafladda furitaan Jaamacaddan oo lagu magacaabo Jaamacadda ILAYS National University oo lagu Qabtay Laascaanood.

9/12/2015 4:11 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni ayaa isagoo ku sugan magaalada Tokyo ee dalka Japan inay Maqcuul tahay in Qaar ka mid ah Askartooda ay Gacanta ugu jiraan Al-shabaab.

9/12/2015 4:00 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Farkeeti ayaa si diirran u soo dhaweeyey ansixinta dib u eegistii miisaaniyada Sannadkan 2015-ka, isagoona ku tilmaamay iney tahay talaabo looga hortagayo isu dheeli tir la’aanta dakhliga dowladda iyo kharashaadka baxaya kadib markii uu gaabis ku yimid qoondadii ay ku kabi lahaayeen deeq bixiyayaasha caalamka ee miisaaniyadii la ansixiyey sanadkaan bilowgiisa.