4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2015
Jaamacad loogu Magac-daray Ilays oo laga furay Magaalada Laascaanood ee G/Sool (SAWIRRO)


Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Jaamacaddii Saddexaad ee ka Hawl-gasha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa xarigga laga jararay, kaddib xafladda furitaan Jaamacaddan oo lagu magacaabo Jaamacadda ILAYS National University oo lagu Qabtay Laascaanood.

Furitaanka Jaamacadda ayaa waxaa ka Qayb-galay xubno ka tirsan Jaamacadaha degmada Laascaanood, Culummaau’ddiin, Aqoon-yahanno, Ururada Dhallinyarada, kuwa Bulshada, Haween iyo Marti-sharaf kale oo fara badan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ileys Yaasiin Cali Daahir ayaa u mahad-celiya marti-sharafta kasoo Qayb-qaadatay furitaanka Jaamacad isgoo Warbixin ku saabsan Jaamacadda kasoo jeediyay Xafladda wuxuuna Sheegay in Jaamacadda  Ilays ay bixinayso Koorsooyinka kala ah; Bachelor Science Computer (BSC), Bachelor Computer Application (BCA) iyo Bachelor Science Computer Network oo iyana sadex Takahsusaad kale oo ay ka mid tahay Luuqadaha, cilmi-nafsiga iyo Maamulka iyo Maaraynta.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay in Jaamacadda Ilays laga heli doono takhsusyada ay ka mid yihiin; (Newly Computerised System With Integrated Labs, New CISCO Routers and Switches iyo A Library With Huge Collection af Books. Wuxuuna intaa ku daray in Jaamacaddu ay Waxbarashadaas u diyaarisay qalab casri ah oo Ardayga u sahlaya inuu si fudud wax ku barto.

Guddoomiyaha Daladda Waxbarashada Ilays (INU), Prof. Cabdisalaam Maxamed Xuseen Tunkub ayaa isagana ka hadlay dadaalka Jaamacadan loo gala Magaalada Laascaanood iyo heerarkii kala duwanaa ay soo martay.

Waxaa kaloo isagana ka Hadlay goobta, Gudodomiyaha Jaamacada Nugaal, Prof C/risaaq Maxamad Lafoole oo isna soo dhaweyay Furitaanka Jaamacadda Ilays ; isagoo sheegay in si hufan ula shaqayn doonaan horumarka jaamacadan oo qayb ka noqonaysa Horomarrada jira.

Cabdirisaaq Saleebaan Warsame oo ah Guddoomiyaha Ganacsatada Gobolka Sool, isla markaana ah Guddoomiyaah Shirkadda TELESOM ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo furitaanka Jaamacadda Ilays oo uu sheegay in Furitaankeeda uu kusoo beegmay xilli loo baahnaa; maadaama caalamka xilligan waxa keliya ee wax lagu qabsanayo ay tahay Tiknoloojiyada Casriga ah, taasoo ay Shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan.

Ugu dambeyn, Jaamacadda ILAYS ayaa waxaa ka mid Noqonaysaa Jaamacadaha ka furan Gobolka Sool oo dhallinta ka Qalin-jabisay Dugsiyada Sare ay si weyn isaga soo diiwaan-galisay intii ay socotay is-qorista oo illaa iyo hadda aan joogsan, Waxaana xusid mudan in Jaamacadda GOLIS iyada furisteeda uusan wax badan ka horreyn Haamacadda Ummadda Ilays.

Seynab Cabdi Warsam, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Soomaaliya