3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2015
MUSEVENI: Askar badan ayaa nooga dhintay Somalia kuwo kalena Nolol ayaa lagu Qabsaday


Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni ayaa isagoo ku sugan magaalada Tokyo ee dalka Japan inay Maqcuul tahay in Qaar ka mid ah Askartooda ay Gacanta ugu jiraan Al-shabaab.

Museveni ayaa sheegay in ay la’yihiin lix ka mid ah askartooda, kaddib weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday Saldhigga AMISOM ee Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose 01-dii bishan September.

Sidoo kale, Madaxweynaha Uganda ayaa xusay in weerarkii Jannaale ay kaga dhimatay 19-ka mid ah Askartooda; halka ay Al-shabaab sheegeen inay dileen 50 ka tirsan Askarta Uganda ee AMISOM oo Xeradaas ku sugnaa.

Yoweri Museveni ayaa dhanka kale sheegay in Askar intaasi la’eg in laga dilo ay ahayd khalad ay sameeyeen ciidamadooda, isla markaana saraakiishii halkaasi shaqo joojin lagu sameeyay, lana soo taagayo Maxkamad Ciidan.

“Waa khalad ay sameeyeen saraakiisha ciidamadeenna in nalaga laayo Askar tiradoodu 19 tahay. xilliga Weerarku dhacayay wey jiifteen ciidamada iyo weliba saraakiishii saldhigaas ku sugnaa, sidaa awgeedna shaqadii waan ka joojinnay saraakiil ka tirsan kuwa hawl-galka nooga jooga Soomaalya,” ayuu yiri Museveni.

Madaxweynaha Uganda ayaa xusay in ciidamadiisa ay Somalia ka bixi doonaan sida uu sheegay marka ay khatarta dhamaato, balse ma uusan sheegin xilliga ay ka ciidamadiisu ka baxayaan Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay tiro ka mid ah Askarta Uganda ee Qaybta ka ah AMISOM ay nolosha ku hayaan, kuwaasoo ay sheegeen inay ku qabteen weerarkii Jannaale, ayna haatan xiran yihiin.

Ugu dambeyn, Yoweri Museveni ayaa hadalkiisa kusoo beegay iyadoo saraakiil u hadlay Millateriga Uganda ay Sheegeen in Weerarkii Jannaale looga dilay 12-askari oo keliya, ayna kaga dhaawacmeen 12-kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/12/2015 4:25 PM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Cusub ee Gal-Mudug oo Booqasho ku joogo Waddanka Kenya, ayaa ka Warbixiyay Dagaallo Dhawaan ka dhacay Gobollada Dhexe ee Somalia isagoona beeniyay eedeyn ay u jeediyeen Ururka Ahlu Sunna oo ku saabsaney iney hub ka heleen dowlada Somalia.

9/12/2015 1:02 PM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa ugu baaqay Millateriga dalkiisa inay midnimadooda xoojiyaan, kaddib isku-day lagu dilahaa oo uu Jimcihii shalay ka badbaaday Taliyaha Millateriga Burundi, Jen. Prime Niyongabo.

9/12/2015 12:18 PM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa Dalka Shiinaha la Saxiixatay heshiis ku saabsan Korontada laga dhaliyo Nulear-ka , taasoo qayb ka ah Qorshayaal ay ku doonayso Dowladda Shiinuhu inay Bariga Afrika uga hirgeliso Sanadkan 2015-ka Saldhig Awoodda Korontada ee Nuclear-ka laga Dhaliyo, Sida ay shaaciyeen Guddiga dalka Kenya u Qaabilsan Awoodda Tamarta Nuclear-ka.

9/12/2015 11:10 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Waxaa Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan saraakiil uu Hogaaminayay taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xuseen Afrax.

9/12/2015 11:09 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaarihii dalka Masar, Ibrahim Mahlab iyo Xukuumaddiisii ayaa maanta is-casilay, kaddib markii ay lasoo Daristay Fadeexad Musuq-maasuq, iyadoo Madaxweynaha dalkaas, C/fataax Al-Sisi ayaa isla maanta Ra’iiul wasaare KMG ah isla Manta u Magacaabay Wasiirkii Shidaalka Masar, Sherif Ismail si Xukuumad Cusub ugu soo dhiso muddo toddobaad gudihiis ah.

9/12/2015 9:30 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Wufuud ka socota Dowaladda Somalia, Itoobiya iyo Kenya ayaa xalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, Halkaasoo ay ka socoto Munaasabada Caleemo-saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Sh. Axmed Maxamed Islaam [Sheekh Axmed Madoobe] oo dib loo doortay bartamihii bishii August.

9/12/2015 8:50 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Uganda Jen. Aronda Nyakairima ayaa si lama filaan ah ugu dhex geeriyooday diyaarad uu ku safarayay, isagoo kasoo duulay dalka South Korea oo uu booqasho ku tagay isagoo ku socday Kampala, sida ay maanta oo Sabti ah sheegeen sheegeen mas’uuliyiin dalka Uganda.

9/12/2015 7:47 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta isku faro saaray Kalfadhigii Golaha oo Xildhibaanada Muxaafadku soo gudbiyeen mooshin lagu Taageerayo Heshiishka Xukuumaddu la galayso Shirkaddo gaar ah oo ay ku Wareejinayso Haamaha Keydka Berbera.

9/12/2015 7:33 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Tiradad dadkii ku dhintay wiish kuwa wax lagu dhiso ah oo ku soo dhacay Masaajidka Barakeysan ee Xaramka [Makka Al-Mukarama] ayaa 107 ruux gaaraya, iyadoo dhaawucuna Caga-cageynayo in ka badan 238-qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Saudi Arabia.

9/12/2015 6:50 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu Maamuusayay Sannad-guuradii Saddexaad ee kasoo Wareegtay markii xilka Madaxtinimada ee dalka loo doortay Xasan Sh. Maxamuud ayaa Xalay lagu Qabtay Muqdisho, iyadoo Madaxweynuhu uu halkaas ka jeediyay khudbad.

9/12/2015 6:21 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Jaamacaddii Saddexaad ee ka Hawl-gasha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa xarigga laga jararay, kaddib xafladda furitaan Jaamacaddan oo lagu magacaabo Jaamacadda ILAYS National University oo lagu Qabtay Laascaanood.

9/12/2015 4:00 AM EST
Sabti, September 12, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Farkeeti ayaa si diirran u soo dhaweeyey ansixinta dib u eegistii miisaaniyada Sannadkan 2015-ka, isagoona ku tilmaamay iney tahay talaabo looga hortagayo isu dheeli tir la’aanta dakhliga dowladda iyo kharashaadka baxaya kadib markii uu gaabis ku yimid qoondadii ay ku kabi lahaayeen deeq bixiyayaasha caalamka ee miisaaniyadii la ansixiyey sanadkaan bilowgiisa.