4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2015
Shirweyne looga hadlayo dib u eegista Dastuurka dalka oo Maanta ka furmay Muqdisho (SAWIRO)


Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Shirka looga hadlayo dar-dar-galinta hannaanka dib-u-eegista dastuurka KMG ah ee dalka ayaa maanta ka furmay Muqdisho, iyadoo ay ka qayb-galeen ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Somalia, wasiirka dastuurka, wasiirrada arrimaha dastuurka ee maamul goboleedyada, Puntland, Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo Galmudug, guddigiga kormeerka dastuurka ee baarlamaanka Somalia iyo guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista dastuurka KMG ah iyo hirgelintiisa.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda dastuurka Soomaaliya ayaa wuxuu socon doonaa labo maalmood, iyadoo la sheegay in ujeeddada shirka ay tahay sidii maamul-goboleedyadu ay kaalin uga qaadan lahaayeen geeddi-socodka dib u eegista dastuurka dalka.

Wasiirka arrimaha dastuurka ee xukumadda Somalia, Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo ugu horreyn ka hadlay furitaanka shirka ayaa tilmaamay in shirkaan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay maamul-goboleedyada dalka, si ay door uGu yeeshaan dib u eegista dasuurka.

Garyaqaan Maxamed Cabdala Saalax oo ah ku-simaha guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee hirgelinta dastuurka ayaa sheegay in dastuurku yahay wax ay wada leeyihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Ibraahim Saalax Dayfullah oo ah guddoomiye ku-xigeenka kormeerka dastuurka ee baarlamaanka Somalia oo isna hadlay ayaa hoosta ka xarriiqay in xilligu uu yahay mid kooban, loona bahan yahay in si wadajirka looga wada-shaqeeyo arrimaha dastuurka KMG ah ee dalka.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Maxamed Cumar Carte oo furay shirkan wada-tashiga ah ayaa kula dar-daaramay ka qayb-galayaasha shirkan inay si wanaagan uga doodaan qodobbada khilaafka keeni kara, sida awoodaha dowladda federaalka Somalia iyo maamul-goboleedyadda xubnaha ka noqonaya federaalka.

Ugu dambeyn, dastuurka KMG ah ee dalka oo ka kooban 15-cutub ayaa u baahan in dib u eegis lagu sameeyo, kaddibna la geliyo afti dadwayne, si loooga dhigo dastuur rasmi ah oo uu dalku yeesho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya