3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2015
Muwaadiniin Somali ah oo ku dhintay duqeymo uu Sucuudigu ka geystay gudaha dalka Yemen


Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 12 qof oo Somali ah ayaa ku geeriyooday duqeymo ay diyaaradaha Sucuudigu ka geysteen gudaha dalka Yemen, sida ay maanta oo Sabti ah baahisay warbaahinta dalkaas.

Wakaaladda wararka dalka Yemen ee Sapa ayaa baahisay in Soomaalidu ay ku dhinteen duqeyn ay diyaaradaha dagaalka sucuudigu ka geysteen buunddo ku taalla Bagim oo ka tirsan gobolka sacda ee waqooyi-bari ee dalka Yemen.

Sidoo kale, diyaaradaha sucuudiga ayaa la sheegay inay duqeeyeen dhowr jeer oo isku xigta xaafado ku yaalla degmada Khawlan oo ka tirsan gobolka Sanca, duqeymahaas oo ay ka dhasheen dhimasho.

Qoysas fara badan ayaa iyaguna ka barakacay degmada Al-Mukha oo ka tirsan gobolka Ticis ee gobolka waqooyi-bari ee dalka Yemen, kaddib markii ay duqeyn xooggan ka geysteen diyaaradaha dagaalka Sucuudiga.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee ku lagu dilay duqeymaha ka dhacdaya Yemen ayaan ahayn kuwii ugu horreeyay, iyadoo horay dalkaas loogu dilay tiro badan oo Soomaali ah, kuwaasoo ka cararayay colaadaha ka socda dalkaas.

Ugu dambeyn, 6,400 oo qof ayaa lasoo warinayaa inay ku naf-waayeen duqeymaha ay diyaaradaha sucuudigu ka geysanayeen Yemen, iyadoo in ka badan 14,000 oo qof ay ku dhaawacmeen tan iyo bishii Maarso ee sannadkan lagu jiro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/10/2015 2:58 PM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Shirka looga hadlayo dar-dar-galinta hannaanka dib-u-eegista dastuurka KMG ah ee dalka ayaa maanta ka furmay Muqdisho, iyadoo ay ka qayb-galeen ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Somalia, wasiirka dastuurka, wasiirrada arrimaha dastuurka ee maamul goboleedyada, Puntland, Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo Galmudug, guddigiga kormeerka dastuurka ee baarlamaanka Somalia iyo guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista dastuurka KMG ah iyo hirgelintiisa.

10/10/2015 12:28 PM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ku eedeeyey dowladda Somaaliya inay ka dambeysay weerarkii lagu qaaday dhawaan badhasaabka gobolka Awdal, isla markaana ay dabada ka riixayso qas iyo qalalaase ka dhaca Somaliland.

10/10/2015 11:03 AM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Somalia, Col. Liibaan Cali Yaroow ayaa ka jawaabay warbixintii Midowga Yurub kasoo baxday ee la xiriirtay dilalka toogashada ah ee ay fuliyaan maxkamadaha ciidamada, isagoo warbixinta ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.

10/10/2015 10:24 AM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Wafdi ka socda wasaaradda gaashaandhigga Somalia oo uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha wasaaradda Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale oo ka socda dowlada federaalka Somalia ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

10/10/2015 10:04 AM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa shirkii looga hadlayay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Somalia oo ka furmay Muqdisho, iyadoo ay hadallo kala duwan ka jeediyeen 12-xildhibaan oo ka qayb-galay shirka kuwaas oo ka mid ahaa xildhibaannadii saxiixay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

10/10/2015 9:13 AM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Xeer-ilaayaha Guud ee Qaranka Somalia, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa qoraal uu soo saaray maanta kaga hadlay qorshaha ay Kenya ku doonayso inay isku hor-taagto dacwadda badda ee Somalia ay horay ugu gudbisay Maxkamadda ICJ u gudbisay.

10/10/2015 8:54 AM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaddib safar qaatay dhowr maalin oo uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

10/10/2015 8:39 AM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 30-qof ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay meel uu ka socday dibadbax nabadeed oo ku taalla xarunta dalka Turkiga ee Ankara iyadoo ay ku dhaawacmeen 126-qof oo kale, sida ay sheegeen saraakiisha dalka Turkiga.

10/10/2015 8:17 AM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Kenya waxay ku gacan seyrtay dacwadda ay Somalia ka gudbisay Kenya ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal ee deriska ah.

10/10/2015 8:06 AM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Shirkii looga hadlayay mooshinkii Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud laga keenay ayaa goor-dhow ka furay Muqdisho, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu si rasmi ah u furay shirkan, isla markaana ka hadlay muhiimadda uu shirkan leeyahay.

10/10/2015 7:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) —Maamulka Jubbaland ayaa maanta dhagaxdhigay mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, taasoo burbursanayd mudo aad u dheer islamarkaana ay adkeyd in ay isticmaalaan gaadiidka.

10/10/2015 3:21 AM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa shaaciyay in Sabtida maanta ah uu furmayo kulanka looga hadlayo mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Somalia bishii Ogoosto ee sannadkan.

10/10/2015 3:10 AM EST
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay inaanay marna raalli ka ahayn ayna ka soo hor-jeedo ciqaabta dilka ah oo dhan, iyadoo ciqaabta dilalka ah ay ka dhigan tahay ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha iyo sharaftiisa.