4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2015
WARAN-CADDE: Ciddii Qal-qal gelisa Nabadda Somaliland fartay dhexda ka qaniini doontaa


Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ku eedeeyey dowladda Somaaliya inay ka dambeysay weerarkii lagu qaaday dhawaan badhasaabka gobolka Awdal, isla markaana ay dabada ka riixayso qas iyo qalalaase ka dhaca Somaliland.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu raalli-gelin ka bixisay in ciidamoodau gudaha u gallaan dalka Itoobiya xilli ay eryanayeen dableydii weerartay guddoomiyaha gobolka Awdal, waxaanu u mahad naqay dawladda Itoobiya sida ay  uga shaqaysay in aanay xuduudda udhexeysa noqon goob nabadgalyo daro ah oo aanay ku dhuuman Karin dadka dhibaatadda ka soo gaysta xuduudda labadda dhinac.

Wasiirka oo falalkaasi amni daro ee dhacay Boorama ku eedeynaya dawladda Soomaaliya waxa uu yidhi“Arrintaasi waxa wada dad wax ma garato ah oo caqli gaaban oo cadawgu ku adeeganayo, ha ugu horeeyaan kuwii aynu ka go’nay ee Somalia oo aanu ognahay inay dabada ka riixayaan waliba maamulka Somalia,”

Waxaanu intaas ku daray “ Waxay doonayaan in Somaliland la mid noqoto Somalia-da ay madaxda u yihiin ee ay dabka ku gurayaan bulshadoodii, markaa kuwa u adeegaya dadka doonaya in dadku(Somaliland iyo Somalia) isku wada mid noqdo, hadday gudo joogaan iyo hadday dibad joogaan ba waxaanu leenahay dalkan Somaliland waa mid umaddiisu midaysan tahay, waxaanan u sheegayaa cid kasta oo isku dayda inay khalkhal galiso nabadda Somaliland inay farta dhexda ka qaniini doonto,”

Wasiirka ayaa dawladda Itoobiya uga mahad celinaya sida ay u doonayso inay xuduuddu u noqon goob nabadgalyo daro ah, waxaanu yidhi “Waxaan jeclahay inaan halkan dawladda Ethiopia uga mahadceliso; haddii ay ahaan lahayd dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo dawladda federalka ahba, sida aynu uga wada shaqayno wixii dhibaato ah ee ka dhaca xuduuda Somaliland iyo Ethiopia. Waxaan mahad gaar ah u celinayaa madaxweynaha dawlad degaanka Ethiopia oo ku hawlan sidii xuduuda Somaliland iyo Ethiopia u noqon lahayd mid nabadeed oo ka caagan fidmo wadayaal,”

Sidoo kale, Waran-cadde ayaa sheegay inuu dawladda Ethiopia ka raaligalinayo ciidamada Somaliland oo ka talaabay xuduudka, isla markaana dalka Ethiopia gudaha u galay wakhti ay Eryanayeen kooxdii weerartay badhasaab Ramaax oo gudaha Ethiopia gashay.

Wasiir waxa kale oo uu mahad celiyey madax dhaqameedka gobolka Awdal iyo shacabka reer Awdal oo uu sheegay inay ka shaqeeyeen soo qabashadda dableydaasi oo u tallaabay xuduudda Itoobiya.

“Waxaanu mahadcelinayaa Bushada Awdal iyo madaxdhaqameedka , gaar ahaanna raggii reer Awdal ee qaybta libaax ka qaatay soo qabashada gacan ku dhiigleyaasha oo runtii si qiimo leh ula shaqeeyay ciidamada Ammaanka oo ku guulaystay inay badi raggii falka foosha xun gaystay,”ayuu yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamadda amniga Somaliland ayaa la sheegay inay dableydan ka soo qabteen gudaha Itoobiya halkaasi oo dagaal ku dhexmaray kooxdaasi iyo ciidanka, isla markaana cidanku ku guulaysteen inay soo qabtaan dableydaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland