4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2015
Col. Yaroow oo ka jawaabay Warbixin la xiriirta Toogashada oo kasoo baxday Midowga Yurub


Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Somalia, Col. Liibaan Cali Yaroow ayaa ka jawaabay warbixintii Midowga Yurub kasoo baxday ee la xiriirtay dilalka toogashada ah ee ay fuliyaan maxkamadaha ciidamada, isagoo warbixinta ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.

Col. Yaroow ayaa xusay in warbixinta ururka Midowga Yurub aanay xaqiiq ahayn, isla markaana aanay kasoo xigan ilo lagu kalsoonaan karo, wuxuuna ku daray in aysan max-kamadda ciidamada marna qaadin dacwooyin rayid ah.

“Warbixinta waa arkay waanan daraaseeyay, waxayna u muuqataa mid aan lahayn sal iyo raad, waayo maxkamadda ciidamada qalabka sida ma qaado dacwooyinka rayidka ah, waa maxkamad ciidan, mana aragno dacwooyin shacab” ayuu BBC-da u sheegay Col. Yaroow.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu xusay in maxkamadda ay qaado dacwooyinka la xiriira ciidanka kala duwan ee dalka iyo Al-shabaab oo ah koox u abaabulan sidii ciidan oo kale, dacwooyin aan kuwaas ahaynna ma qaadno.

“Waxaa qaadnaa dacwooyinka ciidamada qalabka sida iyo kuwa Al-shabaab oo ah koox sidii ciidan u abaabulan,” ayuu guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia hadalkiisa ku daray.

Col. Yaroow oo ka hadlayay sababaha keenay in maxkamadda ay qaado kiisaska kooxda Al-shabaab ayuu sheegay in maxkamadihii caadiga ahaa ee rayidka ay ammaan ahaan u cabsadeen, isla markaana madaxda dowladda Somalia ay go’aamiyeen in loo wareejiyo kiisaskooda maxkamadda ciidamada qalabka sida.

“Al-shabaab ma ahan shacab, waa koox sidii ciidamada dhisan, dareys ciidan ayay wataan, guutooyin ayay leeyihiin, hub ayay wataan, marka shacab ma aha ee waa ciidan,” ayuu yiri Col. Liibaan Cali Yaroow.

Su’aal laga weydiyay warbixinta ururka Midowga Yurub kasoo baxday ee ah in sannadkan oo kaliya la fuliyay 29 dil toogasho ah, ayuu ku jawaabay. “Taasi waa warbixin qaldan oo aaay waxba ka jirin, waayo intii maxkamaddu jirtay ma fulin 29 toogasho, marka laga soo tago in sannadkan oo keliya ay fulisay dilal intaas le’eg.”

Mar la weydiiyay Col. Liibaan Yaroow oo la weydiiyay in dadka xukumayaan ay rafacaan u siiyaan inay dacwadda ku cusboonaysiistaan ayaa ku jawaabay. “inay rafcaan helaan… waayo qof kasta oo muwaadin ah xaq ayuu u leeyahay inuu garyaqaan difaaca helo, marka xukunku ku dhaca rafcaan la siiyo si uu cusbooneysiiyo.”

Ugu dambeyn, warbixin Midowga Yurub uu soo saaray maanta ayuu ku sheegay in aanay raalli ka ahayn ciqaabta dilka ah ee ay fuliso dowladda Somalia, taasoo ay sheegeen inay xadgudub ku tahay xuquuqda bani’aadamka, iyagoo dowladda Somalia ugu baaqay inay joojiyaan xukunnada dilka ah ee la fuliyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya