4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2015
Guddiga Isku-dhafka ciidanka xoogga dalka oo maanta gaaray Degmada Baydhabo (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Wafdi ka socda wasaaradda gaashaandhigga Somalia oo uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha wasaaradda Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale oo ka socda dowlada federaalka Somalia ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wasiir-u-dawladaha wasaaradda gaashaandhigga, Maxamed Cali Xagaa ayaa ka hadlay ujeeddada safarkooda maanta ayaa xusay inuu yahay sidii ay wada-tashi ugala yeelan lahaayeen maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia dhismaha ciidan Qaran oo isku dhafan, matalana dhammaan Somalia oo dhan.

“Ujeedkeenna ugu weyn ee maanta aan Baydhabo u nimid waa sidii loo heli lahaa dhismaha ciidan Qaran oo leh karti iyo hufnaan, socdaalkan waxaa igu weheliya xubno ka tirsan guddiga isku-dhafka ciidamada iyo madax kale oo deegaankan kasoo jeeda. Waxaan wadatashi la yeelan doonaa dhinacyada ay arrintani khuseyso oo ugu horreeyo hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed,” ayuu yiri Xagaa.

Sidoo kale, Jen. Maxamed Xaashi oo ka mid ah xubnaha guddiga Isku-dhafka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa dhankiisa tilmaamay iyadoo la raacayo hannaan ay dadku u dhan yihiin in la soo xuli doono ciidan leh karti sare, isagoo xusay inay dhawaan ku guuleysteen in laga hirgeliyo deegaannada Jubbooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo ciidammo Qaran oo isku-dhafan.

Ugu dambeyn, dhawaanahan ayay wasaaradda difaaca Somalia waxay dadaal ugu jirtay sidii dalku u yeelan lahaa ciidammo Qaran oo leh awood ay ku amniga guud ee dalka ku hantaan. Si looga maarmo ciidamada dalka jooga ee ka socda dalalka Afrika qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya