4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2015
FAAHFAAHIN: Qodobbadii looga hadlay Shirkii Mooshinka Madaxweynaha Somalia laga keenay


Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa shirkii looga hadlayay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Somalia oo ka furmay Muqdisho, iyadoo ay hadallo kala duwan ka jeediyeen 12-xildhibaan oo ka qayb-galay shirka kuwaas oo ka mid ahaa xildhibaannadii saxiixay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

Xildhibaannadan sagaal ka mid ah waxay goobta sheegeen inay gabi ahaan mooshinka ka tanaasuleen, aysanna ahayn inay wixii maanta ka dambeeya la sii wado wadahadallada ku saabsan xallinta mooshinkan.

Sidoo kale, saddexda xildhibaan ee kale ayaa siyaabo ka duwan sidaas shirka ka sheegay, iyadoo laba xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadan ay soo jeediyeen in wadahadalladu ay furan yihiin inta ka hartay mooshinkana baarlamaanka lagu dhameeyo.

"Waxaan ahay xildhibaan Jaamac, waxaanan halkan ka caddeynayaa inaan shaqsi ahaan ka tanaasulay mooshinka, sababta aan uga tanaasulayna waa in mooshinkan uusan soconayn; oo aanu ka socon karin madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, sidaa daraadeed waxaa ka galayaa xushmeynta la'aanta sharciga halka ay ka galaan madaxda dalka," ayuu yiri xildhibaaan Jaamac oo ka ah ka mid ah xildhibaannadii shirka ka qayb-galay.

Balse, xildhibaan Cabdi-barre Yuusuf Jabriil oo isagana ka hadlay kulanka ayaa sheegay in aanu marnaba mooshinka ka tanasulay oo ay u taagan tahay arrintiisa sidii uu mooshinka u saxiixay, isagoo intaas ku daray in 81-ka xildhibaan ee aan goobjoogga ka ahayn shirka la dhageysto fikiradahooda.

“Anigu kama tanaasulayo mooshinka, uuna uuu taagan yahay sidii aan horay ugu saxiixay, waxaana soo jeedinayaa in arrinta aan la afduubin oo 81-ka xildhibaan ee aan kasoo qayb-gelin shirka, iyagana fikirkooda la dhageysto, mooshinkana lagu dhameeyo baarlamaanka gudihiisa,” ayuu yiri xildhibaan Cabdi-barre Yusuuf.

Xildhibaannadii shirka ka qayb-galay ayaa waxay kaloo sheegeen in xildhibaannada maqan ay si iskood u maqan yihiin, loona xayirnaan doonin, isla markaana ay ka go’an tahay in la xalliyo arrinta mooshinkan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadal ka jeediyay kulanka kaddib dhageysiga aragtiyada xildhibaannadu soo jeediyeen ayaa sheegay in qodobbada qaarkood ay dib ugu laaban doonaan isaga iyo ra'iisul wasaaraha, ayna mar kale isugu yeeri doonaan xildhibaannada.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa meesha ka saaray mid ka mid ah qodobbadii ku xusnaa mooshinka oo ahaa in madaxweynaha Somalia uu galay khiyaano Qaran, taasoo uu sheegay inaysan meesha ku jirin.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaan kulanka ku sugnayn, iyadoo ra’iisul wasaaraha Somalia oo wakiil u ahaa uusan dhankiisa ka hadlin kulanka oo uu ka ahaa dhageyste oo keliya.

Si kataba ha ahaatee, lama oga xilliga la isugu soo laaban doono oo xildhibaannada loogu yeeri doono shir kale, iyadoo xildhibaannada mooshinka keenay intooda badan ay horay u sheegeen in aysan marnaba ka qayb-geli doonin shirka looga hadlay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya