4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2015
TURKIGA: Qaraxyo Khasaare badan geystay oo ka dhacay Fagaare ku yaalla Magaalada Ankara


Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 30-qof ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay meel uu ka socday dibadbax nabadeed oo ku taalla xarunta dalka Turkiga ee Ankara iyadoo ay ku dhaawacmeen 126-qof oo kale, sida ay sheegeen saraakiisha dalka Turkiga.

Qaraxyadaan ayaa dhacay daqiiqado kaddib bannaanbax nabadeed oo ay soo abaabuleen ururrada bulshada rayidka ah. iyadoo ay filimaan lagu baahiyay qaar ka mid ah baraha ay bulshadu ku xiriirto muujinayeen qaraxyada oo ka dhacaya bannaanka xarunta tareennada laga raaco ee Ankara.

Sidoo kale, filimaan kale oo lagu soo daabacay shabakada wararka caalamiga ah qaarkood ayaa muujinayay dad badan oo daadsan goobta uu dibadbaxani saaka ka dhacayay.

Illaa hadda ma cadda in qaraxyadan oo laba ahaa ay ahaayeen kuwa meelaha fog-fog laga hago iyo in kale, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxyadan khasaaraha badan geystay.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa iyaguna baahiyay in ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Ahmet Davutoglu uu ku baaqay kulan deg-deg ah oo ay wasiirradu isugu yimaadaan, kaasoo looga hadlayo qaraxyadan.

Turkiga ayaa ka dhacayay qaraxyo ay fulinayeen kooxo hubeysan oo muddo 30-sano ka dagaallo kula jiray xukuumadda Turkiga, kuwaasoo inta badan qaraxyo badan ka geystay goobo kala duwan oo ka tirsan gobollada dalka Turkiga.

Xukuumadda Ankara ayaa waxay bilooyin ka hor ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Kurdiyiinta dalkaas, kuwaasoo ay ku duqeynaysay saldhigyada ay ku leeyihiin dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Weerarkan qaraxyada ah ee maanta ka dahacay Turkiga ayaa wuxuu imaanayaa xilli uu jiro muran ka dhashay duqeynta uu Ruushku kawado Suuriya, taasoo ay mas’uuliyiinta Turkigu si weyn uga soo horjeesteen, kuwa tilmaameen faro-gelin qaawan.

“Maanta waxaa dhacay xasuuq ba’an oo ka dhacay bartamaha Ankara,” ayuu Lami Ozgen oo ah madaxa ururka shaqaalaha Turkiga uu u sheegay qaar ka mid ah saxaafada caalamka.

Ugu dambeyn, wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa iyaduna baahisay in ciidanka booliska ay xireen gabi ahaan goobtii ay ka dhaceen qaraxyadan khasaaraha badan geystay, iyadoo la arkayay maydad la huwiyay calanka dalka Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya