4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2015
YUUSUF GARAAD: Dalka Kenya Xalka Muranka Soohdinta Baddu waa Wadahadal (WARBIXIN)


Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Kenya waxay ku gacan seyrtay dacwadda ay Somalia ka gudbisay Kenya ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal ee deriska ah.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation, Garyaqaanka Guud ee Kenya, Githu Muigai, ayaa ku doodaya in Somalia aanay dow u lahayn in ay dacweyso Kenya, maadaama ay labada dal ku heshiiyeen 2009 (MoU) in ay wadahadal ku dhammeystaan khilaafkooda.

Heshiiskaas oo ay labada dal kala saxiixdeen 2009, inkasta oo aanay ku qornayn inuu hir-galayo markuu ansixiyo baaralmaanku Somalia, haddana Baarlamaanku wuu fariistay oo u codeeyay oo diiday heshiiska.

Maaddaama uu heshiiska ku qoran yahay in uu hirgalayo marka la saxiixo oo ahayd 2009, loona gudbiyay Qaramada Midoobay 2011, Kenya waxay qabtaa in heshiiskaasi uu saldhig u ahaado xalka khilaafkan.

Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu ay tahay in iyadu ay xukun soo saarto.

Waxaa la rumeysan yahay in badda ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya uu hoos ceegaago keyd shidaal oo fara badan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya waxay hadda ka hor ka digtay in haddii Somalia ay ku guuleysato dacwadda ay suurta gal tahay in Kenya ay ku dhacdo bad la'aan.

Yuusuf Garaad Cumar Axmed