4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2015
Shirkii looga hadlayay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia oo ka Furmay Muqdisho


Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Shirkii looga hadlayay mooshinkii Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud laga keenay ayaa goor-dhow ka furay Muqdisho, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu si rasmi ah u furay shirkan, isla markaana ka hadlay muhiimadda uu shirkan leeyahay.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka a ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah xildhibaannadii mooshinka keenay, iyadoo lagu wado in looga hadlo qodobbo ku jiray mooshinkan, lagana soo saaro war-murtiyeed.

“Waa muhiim in lasoo af-jaro muranka siyaasadeed ee waayahaan dalkeenna ka jiray, isla markaana horay loo socdo,” ayuu yiri Jawaari oo intaas ku daray inay in laga shaqeeyo horay loogu socon lahaa.

Ra’iisul wasaare Somalia, Cumar C/rashiid Cali  Sharma’arke ayaa hadal uu ka jeediyay kulanka kaga cudur-daartay in shirka uu baaqday dartiis, isla markaana ay ahayd inuu horay u sii socdo, waxaana ra’iisul wasaaraha wakiil uu ka ahaa dhanka madaxweynaha.

Sidoo kale, waxaa kulankan furmay ka hadlay qaar ka mid ah xildhibaannadii ka keenay madaxweynaha mooshinka, iyagoo sheegay inay muhiim tahay in lasoo af-jaro mooshinka, waxayna sheegeen in mooshinkan uu muddo 50-maalmood ah dalka geliyay qalqal dhanka siyaasadda ah.

Dhanka kale, xildhibaannadan ayaa soo jeediyeen in madaxweynaha Somalia uu shirka kusoo biiro, si loo ambaqaado wadahadallada looga xaajoonayo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Somalia.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa waxaa ka maqnaa inta badan xildhibaannadii ugu cad-caddaa kuwii mooshinka keenay, kuwaasoo horay u sheegay in aanay shirka ka qeyb galeyn, inta Guddoonka Baarlamaanka ku adkeysanayo in mooshinka la tuuray.

Wixii kasoo kordha shirkan furmay waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya