4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2015
Dhagaxdhig lagu sameeyay dhismaha mid kamid ah wadooyinka burbursan ee Kismaayo
Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) —Maamulka Jubbaland ayaa maanta dhagaxdhigay mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, taasoo burbursanayd mudo aad u dheer islamarkaana ay adkeyd in ay isticmaalaan gaadiidka.

Wadadan oo dhererkeedu gaarayo ilaa 2.5 KM ayaa waxa ay kasoo bilaabataa halka loo yaqaan Isgoyska Qacle ee xaafadda Faanoole, waxa ayna ku egtahay isgoyska Olombik ee xaafadda Farjanno.

Xafladdii dhagaxdhigga ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax ay kamid yihiin wasiir kuxigeenka wasaaradda gaadidka, boostada iyo isgaarsiinta Jubbaland Geelle Max’ed Aadan, gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid C/laahi Gooni, Gudoomiyaha degmada Mudane Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timajilic) iyo weliba madaxda shirkadda fulineeysa dhismaha ee Dhasheeg.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadashay gudoomiyaha shirkadda Dhasheeg Marwo Khadro Bulxan Max’ed, waxa ay sheegtay in ay farxad u tahay in maanta ay bilaaban dhismaha wadada oo ah wado mudo aad u dheer burbursanayd.

Madaxa mashruuca dhismaha wadada C/casiis Cismaan Max’uud ayaa sheegay in howsha dhismaha wadada ay ka qeybqaadan doonaan ku dhawaad 200 oo shaqaale ah kuwaa oo uu xusay in ay ahaayeen dhalinyaro ay shaqo la’aan ku heysatay magaalada.

Madasha ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka iyo kan degmada Kismaayo, waxayna labaduba soo dhaweeyeen dhismaha wadadan oo ay ku tilmaameen tallaabo hore loo qaaday.

Ugu danbeyn wasiir kuxigeenka wasaaradda gaadiidka, boostada iyo isgaarsiinta Jubbaland Mudane Geelle Saliid ayaa dhagaxdhigay dhismaha wadada, isagoo sheegay in dhismaha wadadani uu qeyb ka yahay horumarka ka jira magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.