4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 10, 2015
Jawaari oo sheegay inuu maanta furmayo Shirka looga xaajoonayo Mooshinka Madaxweynaha


Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa shaaciyay in Sabtida maanta ah uu furmayo kulanka looga hadlayo mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Somalia bishii Ogoosto ee sannadkan.

Jawaari ayaa intaas ku daray in shirku uu furmayo 11:00-ka barqanimo, ayna kasoo qayb-geli doonaan madaxda dalka iyo xildhibaannada cabashada qaba, si xal looga gaaro mooshinka.

“Waxaan ku war-gelinayaa dhammaan xildhibaannada ah saxiixay mooshinkii la soo gudbiyay 12-kii August, 2015-ka, loosoo gudbiyay guddoonka baarlamaanka inay kasoo qayb-galaan wadahadalka oo ka billaaban doona xarunta guddoonka iyo guddiyada golaha shacabka ee Villa Hargeysa,” ayuu yiri Jawaari.

Balse, xildhibaannadii mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa iyagu mar kale diiday inay ka qayb-galaan kulankan oo horay u baaqday, iyadoo baaqashadiisa lagu sheegay RW Somalia oo dalka ka maqan.

Mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Somalia ayaa buuq badan dhex-dhigay inta badan hay’adaha dowladda Somalia, iyadoo xildhibaannada mooshinka keenay ay ku adkeysanayaan in xilka laga qaado madaxweynaha Somalia.

Wixii kasoo kordha shirkan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE oglaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya