4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2015
Xildhibaan Gurxan oo u Geeriyooday dhaawac ay kooxo Hubeysan maanta ugu geysteen Muqdisho


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Xildlhibaan Max'ed Axmed Gurxan ayaa Goor-dhow u geeriyooday dhaawac ay kooxo hubeysan maanta ugu geysteen degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye].

Weerarkan lagu dhaawacay xildhibaan Gurxan ayaa waxaa mas’uuliyadiisa isla markiiba sheegatay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda FS iyo ciidamada gacanta siiya ee AMISOM.

Kooxaha hubeysan oo watay gaari ayaa xildhibaanka ku toogtay meel ku dhow Bacadlaha degmada Xamar-weyne, xilli uu ku socday xarunta baarlamaanka oo uu ka dhacayay kulan ay xildhibaannadu lahaayeen.

Dhaawaca xildhibaanka loo geystay ayaa ahaa mid culus, kaddib markii kooxaha hubeysan ee weeraray ay rasaasta kala dhaceen qaybta sare ee jirkiisa, waxaana tan iyo markii uu soo gaaray dhaawaca lagu daweynayay mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho.

“Allaha  u raxmadee xildhibaanka Maxamed Axmed Gurxan dhaawicii maanta soo gaaray ayuu u geeriyooday, waxaanan tacsi u dirayaa ehelladii, asxaabtii iyo xildhibaannada BFS ee uu ka tirsanaa,” ayuu Maareeye ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay.

Xildhibaan Gurxan ayaa wuxuu noqonayaa xildhibaankii lixaad oo sannadkan 2015-ka oo keliya lagu dilo magaalada Muqdisho, iyadoo toddobaad ka hor weerar lagu qaaday Hotel Saxafi ee Muqdisho lagu dilay xildhibaan Maxamed Cabdi Abti-doon oo xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka tirsanaa.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Gurxan, isagoo ka dalbaday hay'adaha amaanka dowaladda Somalia inay baaritaan ku sameeyaan dilka xildhibaan Gurxan ayna jawaab deg-deg ah ka keenaan falkaas.

Dhanka kale, taliyaha booliiska gobolka Banaadir Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo isna la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay heleen raadadka kooxihii geystay falkii dhaawaca ahaa ee uu xildhibaanku u geeriyooday ayna ka daba-tagayaan.

Ugu dambeyntii, ma ahan markii ugu horreysay oo kooxo hubeysan ay dilal ugu geysteen Muqdisho xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Somalia, iyadoo weerarradaas ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya