4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2015
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya oo ka Hadlay Dagaallada Al-shabaab iyo Warbaahinta Dalkiisa


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo wareysi siinayay BBC-d ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen dagaalka ay ciidankiisa qaybta ka ah AMISOM kula jiraan Al-shbaaab iyo eedeymo ay warbaahinta madaxa-bannaan u soo jeediyeen xukuumaddiisa.

Desalegn ayaa sheegay in awooddii Al-shabaab hadda la dhimay, ay ciidamada kaga sugan Somalia sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan kooxdan oo uu xusay inay khatar ku tahay gobolka oo dhan.

“Haatan awooddii Al-shabaab waa la dhimay,” ayuu yiri Desalegn oo hadalkiisa ku daray. “Waxaan Beesha Caalamka kala shaqeynaynaa sidii Al-Qaacida aysan u soo geli lahayn Soomaaliya, si ay isku kaashadaan Al-shabaab.”

Sidoo kale, RW Itoobiya wuxuu intaas ku daray in howshan ay tahay mid aad u adag, balse ay si taxadar leh uga hortagayaan in Somalia ay noqoto goob ay ka howlgasho kooxda ISIL oo garab ka mid ah Al-shabaab ay haatan xiriir la sameysteen.

Mar uu Hailemariam Desalegn ka hadlayay warbaahinta Itoobiya ayuu sheegay in looga baahan yahay inay u shaqeeyaan dhanka wanaagsan, aysanna dalka ku tilmaamin mid ay ka jiraan dhibaatooyin ay ka mid tahay dhaqaale xumo.

“Warbaahinta madaxa-bannaan waa mid muhiim ah geeddi-socodka looga hir-gelinayo Itoobiya dimuqraadiyadda iyo horumarka,” ayuu yiri Desalegn. Wuxuuna ku daray intaas in wariyeyaashii lagu xir-xiray Itoobiya aysan ahayn suxufiyiin dhab ah, balse ay ahaayeen kuwo xiriir la leh kooxda argagaxisada ah.

Xukuumadda Itoobiya ayaa xabsiga kasii daysay shan wariye bishii July ee sanadkan 2015-ka xilligaasoo uu magaalada Addis Ababa booqanayay madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama, kuwaasoo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin kooxo argagaxiso ay ku sheegeen.

“Waa in si cad loo qeexo, lana ogaado in xirfadda saxaafadda iyo waxa wariyuhu uu iskiis u qorayo aysan xiriir lahayn,” ayuu Desalegn ku yiri wareysiga uu magaalada Addis Ababa ku siiyay tifaftiraha Afrika ee BBC-da, Mary Harper.

Dhanka kale, mar uu RW Itoobiya ka hadlayay xiriirka ka dhexeeya Shiinaha iyo Itoobiya ee la xiriira soo saarista shidaalka Itoobiya ayuu sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay inay shidaalka dalkeeda ku jira soo saarto, si ay uga ganacsato oo ay dhaqaale badan uga hesho.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray in Itoobiya ay faa’iido ugu jirto in si aad u fudud loogu soo saaro shidaalkeeda, wuxuuna xusay in maal-gashiga Itoobiya lagu sameysanayso aysan jirin cid laga mamnuucay, oo waddan walba uu maal-gashan karo.

Ugu dambeyn, mar uu ka hadlay shacabka Eritrean-ka ah ee xilligaan lagu jiro ka cararaya dalkooda, kuwaasoo galaya dalalka Yurub ayuu sheegay inuu madaxweynaha Eritrea uu shacabkiisa si xun ula dhaqmo uuna dhallinyarada ka dhiganayo ciidammo si uu xaaladda u sii xumeeyo.

“Waxaan ku talinayaa in laga hor-tago dhibaatada uu Issias Afwerki shacabka dalkiisa ku hayo, sida inuu ciidammo ka dhiganayo dhallinyarada,” ayuu yiri ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Si kasta ha ahaatee, dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxaa sannadihii 1998-dii illaa 2000 dhex-maray dagaal culus oo salka ku hayay muran dhanka xadka ah, waxaana dagaalkaas ku dhintay in ka badan 70,000 oo qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya