4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2015
Hay'adda WHO oo maanta Shaacisay in Ebola uu ka Dhammaaday Dalka Sierra Leone (SAWIRRO)


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka shaacisay maanta magaalada Freetown ee xarunta dalka Sierra Leone inuu ka dhammaaday cudurka Ebola, kaasoo 18-bilood ka hor ka dillaacay dalkaas, dilayna in ka badan 4,000 oo qof, dhaqaalaha dalkaasna saameyn xooggan ku  yeeshay.

Warbixin laga akhriyay xafladda loogu dabaal-dagayay dhammaadka cudurkan, ayaa lagu sheegay in dad gaaraya 28,600 oo qof oo ku nool saddexda waddan ee Galbeedka Afrika ku yaalla uu cudurkan uu asiibay, uuna dilay 11,300 oo qof, illaa iyo bishii December ee sannadkii 2013-kii.

“Maanta oo taariikhdu ay tahay 07-da November, 2015-ka, hay’ada WHO waxay si rasmi ah ugu dhawaaqaysaa in cudurka Ebola uu ka dhammaaday dalka Sierra Leone,” ayuu ka yiri xafladda madaxa WHO ee Sierra Leone, Anders Nordstrom oo ka hadlayay xaflad lagu qabtay Freetown.

Shaacinta in cudurka Ebola uu ka dhamaaday Sierra Leone ayuu Nordstrom ku sheegay in  ay tahay guul-weyn oo laga gaaray dadaalkii ay bixiyeen hay’adaha caafimaadka adduunka oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay, balse uu weli cudurkan ka jiro dalka Guinea oo ay daris yihiin Sierra Leone.

Xafladda ayaa laga sheegay in muddadii uu socday dagaalkii lagu jiray Ebola ay u dhinteen cudurka 221-shaqaale ah, kuwaasoo 5% ay ahaayeen dhakhaatiir ka howlgalayay meelaha uu cudurkan faraha ba'an ku hayay, halka 7% ay ahaayeen kalkaaliyeyaal iyo umulisooyin.

Waxaa kaloo la sheegay in dalka Guinea uu cudurkaan ku dilay 2,500, iyadoo ay weli ka jiraan kiisas cudurkan ah. iyadoo dowladda Sierra Leone loogu baaqay in ay adkeeyaan ammaanka deegaannada xuduudaha Guinea ku dhow, ayna baaris dheeraad ah sameeyaan.

Inkastoo madaxa la hortagga cudurka Ebola ee Sierra Leone, Palo Conteh ayaa u sheegay warbaahinta inaysan xilligan ugu jirin jadwalka inay sameeyaan dabaal-dagyo la xiriira in cudurku uu ka dhammaaday dalkooda.

Laakiin, goob-joogayaal ku sugan Freetown ayaa sheegay in boqolaal qof ay isugu baxeen waddooyinka caasimadda, kuwaasoo watay shumacyo iyo boorar ay ku qornaayeen erayo ay ku taageerayaan in Ebola uu Sierra Leone ka dhammaaday.

Markii ay hay’adda WHO shaacisay in cudurka Ebola uusan ka jirin Sierra Leone, ayaa la filayay in madaxweynaha dalkaas, Ernest Bai Koroma uu goobta ka jeediyo hadal uu ugu mahad-celinayo hay’adihii iyo shaqaalihii gacanta ka geystay in cudurkan laga adkaaday uu ka jeediyo xafladda, balse taasi ma dhicin.

“Allaha wax walba ka sarreeya ayaa mahadda iska leh, waayo hadda waxaan ku noolahay nabad,” ayuu yiri Mamie Kabia oo 25-jir ahaa, kana mid ah dadkii cudurkan halista ah ee Ebola uu asiibay.

Markii ugu horreysay oo cudurka Ebola laga helo dalka Sierra Leone ayaa ahayd 18-bilood ka hor, markaasoo fayruska cudurkaan dhaliya laga helay haweeney ka qayb-gashay aaska qof cudurka ugu dhintay deegaan ku dhow xuduudda dalkaas uu la leeyahay dalka Guinea.

Dhanka kale, cudurka Ebola ayaa lagu tilmaamay midkii ugu xumaa ee dalkaas ka geysata dhibaatadii ugu xoogganayd, muddadii ka dambeysay 11-kii sano, tan iyo markii uu kazoo baxay dalkaas dagaalkii sokeeye sannadkii 2002-dii.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in dalka Sierra Leone ay sannadkan 2015-ka luminayaan koboc dhaqaale oo gaaraya 1.4-bilyan oo doollarka Mareykanka ah, taasoo uu bangigu ku sheegay inay tahay hoos-u-dhicii dhaqaale ee aan horay loogu arag Galbeedka Afrika.

Ugu dabmeyn, Ferenka Koroma oo ka mid ahaa darawaladii gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee ka shaqeynayay xarumaha lagula dagaallamayay cudurka Ebola, ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii ugu xumaa ee uu la kulmi intii uu shaqadiisa ku jiray, isagoo sheegay inuu aad u necbaysay urta chlorine-ta, waxaanan ku sigtay buu yiri dhowr jeer inaan dhinto, laakiin waa arrin wanaagsan mar haddii uu cudurku naga dhammaaday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya