4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2015
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay maanta shaqaalaha dowladda hoose (SAWIRRO)


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho , Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta kulan la yeeshay shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, isagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladaha ay ku shaqeeyaan, kulana dar-daarmay inay shaqooyinkooda xoojiyaan.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa shaqaalihii goob-joogga ka ahaa kulanka waxay ballan-qaadeen inay la shaqeynayaan xilli waliba, isla markaana ay sii xoojiyaan shaqooyinka ay u hayaan bulshada Muqdisho.

Madaxa shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir Maxamed Gacal Muudey ayaa isagana ka sheegay kulanka in shaqaalaha Dowladda Hoose ay marxalado adag kusoo shaqeeyeen, isla markaana ay haantanna diyaar u yihiin inay shaqadooda laba-jibaaraan.

Sidoo kale, guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa dhankiisa ku bogaadiyay shaqaalaha inay si hagar la’aan ah u gutaan waajibadka shaqo ee loo ig-maday.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobalka Banaadir, Jimcaale oo kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay inuu xallin doono baahiya ay qabaan shaqaalaha, balse dhankooda looga baahan yahay inay bulshadooda wax u qabtaan.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho wuxuu sheegay in meel wanaagsan ay mareyso horumarka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho; marka loo fiiriyo sidii ay ahayd sannad ka hor, isla markaana u baahan in si wadajir ah loo xoojiyo horumarka la gaaray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya