4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2015
Turkish Airlines oo ku dhawaaqday in ay joojisay Duullimaadkii ay ku Tegi jirtay Sharm el-Sheikh


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Shirkada diyaaradaha Turkish Airlines ayaa shaacisay in gabi ahaan ay joojisay duulimaadkii ay diyaaradaheedu ku tegi jireen magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, iyadoo sidoo kale la joojiyay duullimaadyadii uga iman Turkiga magaaladaas, sababo la xiriira dhanka ammaanka.

Tallaabadan ay qaadatay shirkada Turkish Airlines ayaa imaanaysa iyadoo dalalka Britain, Ireland & Ruushka ay iyaguna ku dhawaaqeen maalmo ka hor inay joojiyeen duulimaadkii ay ay ku tegi jireen diyaarahadooda magaalada Sharm el-Sheikh.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii diyaarad laga leeyahay Ruushka oo ay saarnaayeen 224-qof ay ku dhacday gacanta Siinaay ee dalka Masar, taas oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaalada Sharm el-Sheikh, iyadoo shaqaalihii iyo rakaabkii saarnaa ay ku wada dhinteen.

Rakaabkii saarnaa diyaaraddii Ruushka ee Metrojet ayaa waxay ku socdeen St. Petersburg ee dalka Ruushka, waxaana marka laga reebo saddex ruux ay inta kale ahaayeen Ruushan.

Sidoo kale, Arbacadii lasoo dhaafay ayay waddamada Britain iyo Ireland waxay iyaguna ku dhawaaqeen inay joojiyeen duullimaadyadii ay diyaaradahoodu ku tegi jireen Sharma el-Sheikh, ayna kala baxayaan dalxiisayaashooda ku sugan magaaladaas.

Warbaahinta dalka Britain ayaa waxay baahiyeen in diyaaradaha Britain ay mar kale dib u billaabayaan duullimaadyadii ay ku tegi jireen magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar Jimcaha soo socda.

Ugu dambeyn, rakaabka diyaaradaha Turkish Airlines u raaci jiray dalka Masar ayaa laga dalbaday inay lasoo xiriiraan xafiisyada shirkaddaas ay ku leedahay gudaha Turkiga iyo dalka Masar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya